Hargaysa: Raashin Sucuudigu Soo Diray Oo Loo Qaybiyay Qoysas Danyara

0
407

Hargeisa (HargeisaPress): Jamciyadda Al-Raxma Al-khayriya, ayaa maanta raashin caawimo ah ka qaybisay degmooyin ka tirsan caasimadda Hargaysa.

Raashinkan caawimadda ah oo loogu tallo galay Sakaatul-fidriga, waxaa soo dirtay dawladda Sucuudi Carabiya, gaar ahaana merkaska Binu Salmaan.

Waxaana qaybintiisa fulisay jamciyadda Al-Raxma Al-khayriya, iyadoo na uu soo bixiyay raashinkaasi Merkaska Binu Salmaan, ee dawladda Sucuudiga oo soo gaadhsiisay jamciyadda Al-Raxma.

Guddoomiyaha jamciyadda Al-Raxma Al-khayriya, Sheekh Maxamed Cabdalla Ibraahim, ayaa ka warbixiyay caawimadan raashinka ah ee ay qaybiyeen.

Waxaanu sheegay in raashinkaasi loogu tallo galay 400,000 oo qays oo danyar ah, kaasoo la gaadhsiiyay qoysas danyar ah.

Madashii qaybinta raashinkaasi waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha degmadda Ibraahim Koodbuur, ee caasimadda Hargaysa, xildhibaano ka tirsan golaha Deegaanka Hargaysa, salaadiin, odayaal, waxgarad, iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa madashaasi joogay masuuliyiin ka socday jamciyadda Al-Raxma Alkhayriya, iyo Merkaska Binu Salmaan, ee dalka Sucuudi Carabiya.

Raashinkan Sekaatul-Fidriga ah ayaa laga qaybiyay xaafado ka tirsan degmadda Ibraahim Koodbuur, ee caasimadda Hargaysa.

Geesta kale guddoomiyaha degmadda Ibraahim Koodbuur, oo isna halkaa ka hadlay ayaa u mahad celiyay jamciyadda Al-Raxma, iyo merkaska Binu Salmaan ee raashinkan soo bixiyay.

DAAWO: Sucuudiga oo Raashin caawimo soo gaadhsiisay Somaliland:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here