Hargaysa: Qoysas Dan Yar ah Oo Loo Qaybiyay Raashin Caawimo ah

0
529

Hargaysa (HP): Ururka samofalka ka shaqeeya ee Gol-janno ayaa maanta raashin caawimo ah u qaybiyay qoysas dan yar ah oo  ku nool xaafado ka tirsan degmadda 26-ka June  ee magaaladda Hargaysa.

Qoysaskaasi oo ay tiradoodu dhamayd 100 qoys, ayaa loo qaybiyay raashin isugu jiray  qaybo kala duwan, sida Bariis, Daqiiq, Saliid iyo Timir.

Raashinkaasi ayaana loo qorsheeyay in ay qoysaskaasi quutaan xiliga lagu jiro bisha Ramadaan, sida ay sheegeen masuuliyiinta ururka samofalka ee Gol-janno.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here