Hargaysa: Murashaxiin Baaq U Diray Komishanka Doorashooyinka

0
804

Hargaysa (HP): Murashaxiinta C/naasir Qodax, iyo Fadxi Jaamac Baaruud, ayaa maanta kormeer ku soo maray qaar ka mida goobaha ay ka socoto qaadashadda kaadhka codbixinta oo ka tirsan caasimadda Hargaysa.

Iyadoo maalintii saddexaad ay qaadashadda kaadhka codbixintu ka socoto goboladda Maroodijeex, Awdal iyo Togdheer, isla markaana ay maanta ku eg tahay mudaddii wejiga hore ee  ay komishanka doorashooyinku u qorsheeyeen in ay socoto.

Labadan murashax  oo ka wada sharaxan xisbiga UCID ayaa  C/naasir Qodax,  waxa uu u tartamayaa golaha Wakiiladda, halka Fadxi Jaamac Battuun, uu isna u tartamayo golaha deegaanka caasimadda Hargaysa.

Murashaxiintani ayaa goobihii ay soo kormeereen waxay dadweynaha ku wacyigelinayeen in ay qaataan kaadhka codbixinta, isla markaana ay ka faa’iidaystaan mudadda kooban ay fursadda u haystaan.

Hase yeeshee, labadan murashax waxay sheegeen in goobaha qaarkood aanay weli dadku qaadan kaadhadhkii codbixinta qiyaas ahaana ay weli yaalaan 80%, taasoo muujinaysa in dadkii hore isku diiwaan geliyay aanay soo doonan kaadhadhkoodii.

Sababta keenay in dadweynuhu ay ka Cago-jiidaan qaadashadda kaadhka codbixinta ayay murashaxiintani ku tilmaamay in bulshadu ay ka cabsanayaan xanuunka Coronavirus.

Waxaanay komishanka doorashooyinka ugu baaqeen in la kordhiyo mudadda wejiga labaad ee kaadh qaadashadda, maadaama oo aanay weli dadku soo doonan kaadhadhkoodii.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY