Hargaysa: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kormeeray Goobihii Roobku Waxyeeladda U Gaystay

0
554

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dadka shacabka ah ee caasimadda Hargaysa ku dhaliilay in ay iyagu sabab u yihiin dhibaatadda soo gaadha xiliyadda roobabku da’aan.

Sidoo kale waxa uu arrintaas dhibaatadeedda u nisbeeyay shirkadaha korontadda iyo kuwa tabeelooyinka ama boodhadhka xayaysiiska jidadka magaalooyinka ka taaga.

Madaxweyne Biixi,  oo caawa ka hadlay roob dabaylo watay oo galabta ka da’ay caasimadda Hargeysa iyo nawaaxigeeda oo ay ku dhinteen 3 qof, halka 18 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen roobkaasi.

Waxaanu u mahadceliyey Wasaaradaha  arrimaha gudaha iyo Caafimaadka oo gurmad badan ka galay, sidoo kalena wuxuu tilmaamay in Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex iyo Dawladda Hoose oo ay weheliyeen ciidammada Booliska iyo Dabdamisku ay iyaguna dedaal weyn sameeyeen.

Geesta kale madaxweynaha ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen saddexda qof ee roobkaas ku dhintay,waxaanu ILLAAHAY uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskoodiina Samir iyo iimaan ka siiyo.

Halkan Ka Dhegayso Hadalkii Madaxweyne Muuse Biixi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here