Hargaysa: Kulan Ku Saabsan Xal U Helidda Maxaabiista Ku Muddo Dhaafta Xabsiyada

0
348

Hargaysa (HP): Koomishanka xuquuqda insaanka Qaranka Somaliland ayaa maanta magaalada Hargaysa ku qabtay kulan ku saabsan xal u helidda maxaabiista muddo dhaafka u ah xuquuqaha madaniga ah.
Kulankaasi waxa ka soo qayb galay, guddoomiyaha maxkamadda racfaanka, taliyaha ciidankan asluubta, xeer ilaaliyaha gobolka Maroodijeex, saraakiil ka socday ciidanka asluubta, booliska, xafiiska xeer ilaalinta, hay’addaha caalamiga ah iyo ururada bulshada.
Guddoomiyaha xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, Maxamed Baaruud Cali, ayaa daahfuray kulankan oo ahaa mid lagu laga gurayay maxaabiista u xidhan xuquuqda madaniga ah ee muddo dhaafay eek u jira jeelasha dalka.
Sidoo kale waxa lagaga dooday kulankan xalalka furan si loo xalliyo caqabaddaha ay u xidhan yihiin maxaabiista wakhtigii xadhigoodu dhammaaday ee daymaha u xidhan, iyo sidii qorshe Qaran looga yeelanlaha.

Agaasimaha fulinta komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan, ayaa ka hadlay kulankaasi iyo ujeedadiisa, waxaanu yidhi “Maxaynu u hayna xal sharciya in aynu arrintaasi ku xalino innaga oo eegayna shuruucda.
Innagoo eegayna qawaaniinta aynu imika haysano, innaga oo eegayna shareecada Islaamka, maxay ka tidhi qofkan daynta lagu leeyahay balse xadhig ciqaabeedkiisi dhammeystay waxa aynu halkan isugu nimidna waa arrintaasi”.

Taliyaha guud ee ciidanka Asluubta Somaliland sarreeyo guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), ayaa sheegay in loo baahan yahay xal u helista dadka u xidhan muda dhaafka iyo carruurta sharciga khilaafta.
“Sabti kasta waxa aanu gudbina dadka maxaabiista ah ee daymaha lagu leeyahay, sidaasi haloola socdo muddadii xadhigiisu waa ay dhammaatay.
Sidoo kale waa carruurta mobillada iyo danbiyada fudud lagu soo qabanayo iyo dadka is dila waxa ay u baahan yihiin arrimo sharci in loo raadiyo” ayuu yidhi taliyaha guud ee ciidanka Asluubta Somaliland.
Guddoomiyaha xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, Maxamed Baaruud Cali, ayaa tala ahaan u soo jeediyay in qorshe Qaran laga yeesho maxaabiista jeelasha dalka ugu jirta iyaga oo wakhtigii xadhigoodu dhammaaday daynta.
Waxaanu yidhi “Qofka waxyar lagu leeyahay ee mudda dhaafay, ee tusaale ahaan shan sano xidhan xaggee ayuu xuquuqdiisi u raacaya, shanta sanno ee uu shaqeysan lahaa caafimaadkiisi waxba iska dhimay, marka waxyaabo badan ayaa ku xidhan.
Waxa loo baahan yahay ka Qaran ahaan in aynu talo ka gaadhno oo golayaasha sharcidejintuna ay ka wada hadlaan, waxa keenaya in Qaran ahaan talo laga yeeshana waa wax ay dadku aad u wada danaynayaan”.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here