Hargaysa: Haween Danyar ah Oo Ka Cabanaya Ururka Haweenka Ee NOW

0
555

Hargaysa (HP): Haween ka kala socday degmooyinka iyo xaafadaha caasimadda Hargaysa ayaa maanta dhigay mudaharaad ka dhan ah ururka haweenka qaranka ee NOW.

Haweenkaasi oo ah dadka danyarta ah ayaa kaga cabanaya ururka NOW in lacag qadarkeedu yahay 5 dollar ay bil kasta ka qaadi jireen, si iyaga wax loogu qabto noloshadoodana kor loogu qaado.

Hase yeeshee ilaa hadda aanay jirin haba yaraatee wax loogu qabtay lacagtii laga ururiyay, isla markaana ay muddo badan ku soo noq-noqonayeen xarunta ururka NOW.

Qaar ka mida haweenkaasi mudaharaadka dhigay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo todoba maalmood ah ay xarunta NOW ku soo noqdeen, wax jawaab ahna aanay weli ka haynin hogaanka ururka.

Halkan Ka Daawo Cabashadda Haweenkani:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here