Hargaysa: Dawladda Hoose Oo Ol’ole Nadaafadeed Ka Fulisay Suuqyadda

0
1002

Hargaysa (HP): Dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa ayaa ka samaysay qaar ka mida Sariibadaha caasimada ol’ole nadaafadeed oo lagu Buufinayo suuqyadda lagu iibiyo Hilibka iyo Khudaarta.

Olo’olahan nadaafadeed ayay dawladda hoose ee Hargaysa caawa fiidkii ka fulisay Sarriibadda Waaheen ee suuqa ugu weyn caasimadda.

Waxaana ol’olahaasi hor kacayay agaasimaha waaxda arrimaha bulshadda iyo bilicda dawladda hoose ee Hargaysa Khadar Yuusuf Cali, oo ay wehelinayeen shaqaalaha waaxdaasi.

Inkastoo nadaafadda Sarriibadaha markastaba laga shaqeeyo, hadana ol’olahani caawa ayaa la xidhiidha sidii guud ahaanba kor loogu qaadi lahaa nadaafadda meel walba si looga hor tago xanuunka Corona Virus.

Sida uu sheegay agaasimaha waaxda arrimaha bulshadda iyo bilicda caasimadda Hargaysa Khadar Yuusuf Cali.

“Maadaama oo xanuuno faafa ay aduunka ku soo kordheen, waxaa la sii laban-laabayaa shaqadii caadiga ahayd ee laga qaban jiray.

Iyadoo aanu caawa ku soo kordhinay shaqooyinkii nadiifinta iyo maydhista, in aanu buufin-na raacino”ayuu yidhi Khadar Yuusuf Cali.

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshadda iyo bilicda dawladda hoose ee Hargaysa ayaa sharaxay u jeedadda ay ka leeyihiin buufinta.

Waxaanu yidhi, “Buufintaasi oo lagula dagaalamo Cayayaannada, Virus-ka iyo waxyaabaha kale ee hawadda soo raaca. Waxaana la maydhi doonaa Sarriibadda meel kastoo ka mida”.

Sidoo kale waxaa ol’olahaasinadaafadeed ka qayb qaadanayay is-kaashatadda Nafaqo ee Sarriibada suuqa Waaheen.

Ol’olahani ayaa lagu tilmaamay mid laga fulin doono dhamaanba Sarriibadaha degmooyinka iyo xaafadaha caasimadda Hargaysa.

Sida uu sheegay Khadar Yuusuf Cali, agaasimaha waaxda arrimaha bulshadda iyo bilicda caasimadda Hargaysa. Iyadoo habeenba Sarriibad laga samayn doono hawshan nadiifinta ah.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here