Hargaysa: Abwaan Falanqeeyay Tabashooyinka Siyaasadeed Ee Beelaha Somaliland

0
785

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Abwaan Cali Ismaaciil Carab, ayaa ka hadlay arrimaha beryahan danbe aad uga dhex jira beelaha Somaliland wada dega ee ku saabsan hogaaminta dalka, saami-qaybsiga iyo qabyaaladda oo sii xoogaysanaysa.

Waxaanu tilmaamay in beelaha Somaliland dega qaarkood ay tabanayaan wax ka maqan, halka qaarna sad-bursi lagu tuhmayo iyo kuwo ku doodaya in aanay gebi ahaanba xaqii ay ku lahaayeen Somaliland aanay haysan.

Abwaan Cali Ismaaciil Carab, oo maanta la hadlay Eryal Tv, waxa uu sheegay in tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isu taaga Somaliland ilaa maanta ay beeliba markeedda eed ka sheeganayso beesha kursiga madaxweynaha haysa.

Isagoo abwaanku mid mid u dul istaagay beel kasta oo reer Somaliland ah waxa ay tabanayso, cida ay waxeedii in ay qaadatay u aragto, nidaamka qabiilaysan ee ay beeluhu wax ku doonayaan iyo arrimo kale.

Halkan Hoose Ka Daawo Abwaan Cali Ismaaciil Carab Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here