Hambalyo Ku Socota Shir-gudoonka Cusub Ee Golaha Ee Wakiilada JSL

0
461

Anigoo magacaygu yahay Maxamed-Sadiiq Xaaji Yuusuf Dubad, kana mida ahaa Musharaxiintii Xisbiga Waddani uga tartamay Doorashadii Golaha Wakiilada 2021 ee Gobolka Togdheer oo kaliya uu iga sareeyey musharaxii soobaxay ee aan ku xigay 75 cod oo kaliya, Isla markaasina kamida xubnaha ugu tacabka iyo maalgashiga badan Xisbiga Rajada Shacabka ee Waddani ilaa wakhtigii la aas-aasay, isla markaasina ah Xubin Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddaniya .

Marka hore waxa aan halkan hambalyo mug iyo miisaan leh uga dirayaa shir-gudoonka la doortay ee Golaha cusub ee Wakiilada JSL, kuwaasi oo halgan iyo loolan dheer kadib ku guulaystay hanashada hogaanka Golaha Wakiilada JSL, oo aynu wada ognahay hirdankii iyo hawshii ka dhacday loolankii dhexmaray dhinacii xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye ka sharaxnaa iyo dhinacii Isbahaysiga Xisbiyada mucaaradka ah ee haatan guushu raacday.

Anigoo si guud u hambalyeynaaya dhamaan xildhibaanadii u codeeyey shir-gudoonka cusub ee Golaha Wakiilada JSL maanta doortay, waxaan halkan sigaara hambalyeynayaa Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur Guruuje, oo bulshada reer Somaliland maanta u aqoonsatay inuu yahay xildhibaankii Guusha Cadaalada iyo Is-bedelka Cadaalada Qaranka Somaliland.

Xildhibaan Guruuje oo maanta muujiyey heerkiisa garasho iyo aqooneed iyo bisaylkiisa siyaasadeed ee geesinimada leh, taasi oo uu maanta ku galay bogaga xasuusta leh ee taariikhda Somaliland, isla markaasina reebay dhacdo mahadho leh oo lama ilaawaan ah. Xildhibaan Guruuje ayaa waxa uu maanta ina tusay inuu yahay halyey geesiya oo ku banana geesigii abtiga ruma u ahaa ee ay hooyadii walaalaha ahaayeen ee Mujaahid Xuseen Dheere oo aynu ognahay taariikhdiisa halgan iyo doorkii uu ku lahaa halgankii xoraynta dalka.

Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada JSL, Md.C/risaaq Khaliif Axmed waa hogaamiyihii ugu haboonaa uguna wanaagsanaa ee qaban lahaa xilkan gudoomiyenimo ee Golaha Wakiilada JSL, kaasi oo ku sifoobay akhlaaq wanaag, dhawr-sanaan iyo dhaqan diintu sal u tahay, taasi oo bulshadu haatan ka filayso inuu noqdo hogaamihii ugu wanaagsanaa uguna cadaali-saanaa ee soo qabta kursigan gudoominta Golaha Wakiilada JSL.

Sidoo kale waxa aan halkan u marinayaa shir-gudoonka cusub ee Golaha Wakiilada JSL inay sida ugu haboon uga soo baxaan xilkaas culus ee loo doortay isla markaasina ay ku dadaalaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen sharciyada iyo xeerarka dalka uyaala ee saldhiga u ah in bulshada reer Somaliland ku kala sad-bursato khayraadkii iyo dhaqaalihii dalka halkii ay si siman ugu wada munaafacaadsan lahaayeen.

Taasoo aynu tusaale usoo qaadan karno xeerka magaciisu yahay xeer No.12 oo aynu ognahay dulmiga iyo cadaalad darada uu bulshadeena reer Somaliland dhexdeeda ku hayo iyo sida uu ugu kala sad-buriyo dheefta dhaqaalaha cashuuraha dalka kasoo xarooda.

Xeer Lr.12 oo soo baxay 2/3/2000, go’aan golle ku ansaxay 27/3/2000, saxeexa madaxweynaha 8/4/2000, dhaqan galayna 15/4/2000. Waa mid ka mid ah xeerashii Marxuum Maxamed X.Ibraahim Cigaal meel mariyay muddo xileedkiisii 1993-2002.

Xeerkani waxa uu ka kooban yahay 22 qoddob, 22-ka qoddob waxa ku jirra 17 ilo-cashuureed oo uu waajibinayo xeerku, ilo-cashuureed kasta waxa ku qoran qiimaha laga qaadayo iyo heerarka ay ku kala duwan yihiin.

2000 qiimaha tacriifadda ee sanadkaas iyo xaddiga cashuurta tacriifadda hadda 2020 wax badan baa iske bedelay. Dhamaan marka aad eegto shuruucda maaliyadda, dhaqaalaha iyo cashuuraha S.land waa xeerka kaliyaata ee qoddobka kabka dowladaha hoose muujinaya.

Dowladda S.land saddex meelood ayuu dakhli madani ah (domestic revenue) ka soo galaa; cashuuraha bariga 22.03%, cashuuraha kastamyada 68% iyo khidmooyinka dowladda dhexe 9.69%.

Marka aad eegto dakhliga dowladaha hoose ka soo gala cashuuraha si isku mida sharcigu u siiyay ee ay magaalooyinkoodu ka qaataan, waxay u kala dakhli badan yihiin sida ay magaalaba magaalo uga weyn tahay ugu cufnaan dad badan tahay (population density), dadku na u badeeco isticmaal (consumption commodities’) badan yahay, gobol ba gobolka uu ka dad badan yahay waa ka cashuur-bixiye badan yahay.

Xeer Lr.12 qoddobka 14aad farqadiisa 1aad waxa uu odhanayaa “Degmooyinka kastamadu ku yaaliin waxay xaq u yeelanayaan in Wasaaradda Maaliyaddu u qaado 10% oo ay ku yeelanayso Cashuurta Guud ee dowladda dhexe (Customs Duty) ka qaado furdadaasi”.

Ogow kastamaddu maaha ilo-waxsoosaar, ma aha il-dhaqaale, maaha khayraad dabiiciya oo degmo gooni u yeelan karto si xuquuq cashuureed oo gooniya u hesho laakiin waa sanduuq ay dowladu dhigato meelaha dalka wax ka soo galaan ee xadadka dhulka, madaaradda iyo dekedaha, si kale kastamyadu waa jeebad lagu ururiyo lacagta cashuuraha dadban (Indirect tax) ee alaabaha iyo ummadda.

Qoddobka 14 ee xeerku waxa uu jideeyay in degmooyin gaar ahi si toosa dakhli uga helaan wasaaradda maaliyadda, wuxuu sababay in Berbera iyo Gabiley oo leeg xaafado ka mid ah Borama, laascaanood iyo Burco ay hadda na afar jeer ka dakhli bataan.

Dakhliga dowladaha hoose ee Berbera iyo Gabiley wuxuu 70% ku tiirsan yahay lacagta adag (hard currency) ee tooska looga siiyo kastamyadda heer qaran. Waxa xusid muddan in kabka dowladda dhexe 12.5% siiso dowladaha hoose ay dhamaan degmooyinku qaybsadaan macalaa Berbera iyo Gabiley.

Hadaba waxa aynu Golaheena Wakiilada ee cusub iyo shir-gudoonkiisaba uga fadhinaa sida ay u maareeyaan ugana jawaabaan baahiyaha xadka dhaafay  ee dib u habaynta shuruucda dalka ee kala duwan ee uu ugu horeeyo xeerkaas sida kootada ah deegaanada gaarka ah loogu naas-nuujinaayo.

Allaa Mahad leh

Maxamed-Sadiiq Xaaji Yuusuf Dubad

Xubin Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani ah.

LEAVE A REPLY