Hambalyo iyo Taageero Ku Socota Musharax Maxamed Cabdilaahi Cilmi (Maxamed Case)

0
1033

Waxaan Halkan Hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa Musharax Maxamed Cabdilaahi Cilmi (Maxamed Case)  oo dhawaan ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan  isla markaasina u tartamaayai Doorashada Golaha Deegaanka ee dhawaanta lagu wado inay dalka ka qabsoonto, gaar ahaan Golaha Deegaanka ee Degmada Berbera.

Musharax Maxamed Cabdilaahi Cilmi (Maxamed Case)  oo kamida dhalinyarada fara ku-tiriska ah ee Alle hibada u siiyey karaamada iyo sharafta hogaamiyenimada ah ee loo dhasho isla markaana kamida hantida gaarka ah ee degmada berbera ka sugayso inay hiil uga noqdaan heeryada maamul-xumo iyo musuq-maasuqa bariinsaday ee uu baday Maamulka hada ka jira iyo kuwii uga horeeyeyba.

Musharax Maxamed Cabdilaahi Cilmi (Maxamed Case)  oo ku caana sharaf iyo karaamo shaqsiyadeed iyo hal adayga daacadnimo ku dheehantay ayaa bulshadu aad ugu diiraadeen markii uu soo gaadhay warka sheegaya inuu u taaganyey doorasha soo socota ee Golaha Deegaanka Berbera.

Guntii iyo gabagabadii waxan maqaalkaygan kusoo af-meerayaa Musharax Maxamed Cabdilaahi Cilmi (Maxamed Case) Baahi Weyn bay bulshada reer Berbera u qabaan inuu kusoo biiro hogaankooda maamul ee Golaha Deegaanka Degmada Berbera waanu ku guulaysanayaa insha alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.

Allaa Mahadleh

Sharmaake Cali Hurre

Berbera/Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here