HAMBALYO, HOGA-TUSAALEYN IYO TUSMEYNTA HOODAHA CAMUUD: Gorfayn Kooban, Qalinjabinta Ardayda Jaamicadda Camuud iyo tilmamidda hoodaha Camuud

0
4688

Waxaan halkan hambalyo aan kala hadh lahayn uga dirayaa dhammaan ardayda ka qalinsidday “Ka qalin-jabisay” culuumaha ka duwan ee Jaamicadda Camuud. Si gooniya oo bahnimo waxaan ugu hambalyeynayaa ardayda baratay cilmiga caafimaadka ee maanta ku guuleystay xidhashada koofiyadda afar geeska ah iyo jubbadda madaw ee astaanta u ah qalinsidka “Qalin-jabinta” jaamaacaddaha.

Walaalayaal ka sokow qadarka alle, waxa aad halkan ku soo gaadheen dedaal iyo karti aad muujiseen. Balse waxaa muhiim ah in aad maanka galisaan in suurgalnimada ugu wayni ka dhalatay dedaalkii waalidka, hoggaaminta madaxda jaamacadda, maan korinta bareyaasha, hanaanka dawladnimada iyo yagleelidda dal amni ah iyo sidoo kale, xooganaanta is dhexgalka bulshada iyo walaalnimada ummadnimo ee hanaqaadka ka ah Jamhuuriyadda Somaliland.

Mar kale, waxaa lama huraan ah in aad ogaal badan u ahaataan hoodaha Jaamacadda Camuud ee dhinacyada hoggaaminta dalka, labbeennimada dadka ku abtirsada ardaynimada Camuud, hanashada hormoodnimada ummada iwm. Maxaa yeelay, saddex ka mid ah madaxwayneyaasha JSL waxay soo mareen Camuud, waxaana ka mid ah madaxwaynaha maanta mudane Muuse Biixi cabdi. Sidoo kale waxaa Camuud ka soo jeeda aqoonyahanno tisqaadday oo dunida laga yaqaan.

Dhanka kale, Camuudda Jaamacadda ah ee aad maanta ka qalin-sideen “Ka qalin-jabiseen”, waa mid saameyn togan oo aqooneed ku leh dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan geyiga Soomaalida ee geeska Afrika. Hubaashii, Camuudda maanta si kasta oo dadka qaar u dhaliilaan, haddana waxaan marna indhaha laga qarsan karin koboca aqooneed ee ay dalka ku soo kordhisay.

Xaqiiqdii, dhawr sanno ka hor maanta oo kale waxaan taagnaa goobta aad maanta taagan tihiin. Waxaanan lahaa dareenka maanta aad leedihiin mid la mid ah. Hadaba, saaxiibbayaal, si la mid ah sidda maanta aad fadhiga uga kacdeen ayaan fadhiga uga kacay/kacnay ku beegnaan 17 Aug 2014-kii, oo aniga oo taagan baan dhagta aad ugu raariciyay khudbaddii qalinjabinta ee madaxwayne Axmed Silaanyo iyo guddoomiye Saleebaan Axmed Guuleed.

Ugu danbeyntii, walaalayaal maanta waxaa idin curatay bar bilaw aqooneed, waxaanan idinkula dardaarmayaa in aad yeelataan toddobadan qoddob ee soo socda:
1. Han sare oo aqoon iyo farsamo socod ku dhisan,
2. Himilo hagta iib geynta tacliinta,
3. Haloosi shaqo raadineed,
4. Hanaqaad iyo karti muujin,
5. Hayinnimo iyo samir badan,
6. Hirdan iyo korodhsi waayo aragnimo,
7. Hiigsi iyo aqbalaad in aad qaaddaan mas’uuliyadda waalidka, naftaada iyo qaranka.

Waxaa inoo balan ah hirdan aqooneed, himilo shaqo iyo hiigsi hoggaamineed. Waad mahadsan tihiin.

Jamal A. Muse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here