Hambalyo Gudoomiya Cusub Ee Ardayda Jaamacada Admas University Maxamuud Jawaase.

0
1290
Maxamuud Jawaase.

Waxa ay ardayda jaamacada Admas University  hanbalyo u dirayaan gudoomiyaha cusub ee ardayda jaamacada oo 22.2.2017 loo doortay inuu noqdo hogaanka cusub ee dhamaan kuliyadaha kala duwan ee jaamacadu ka kooban tahay.

Maxamuud jawaase oo ka tirsan ardayda jaamacada sanadkan baxaysa bisha September ayaa kusoo baxay cod dhan 20, halka gudoomiye ku xigeenka ardayda jaamcada uu isna helay 15 cod sidaasna ku noqday ku xigeenka ardayda jaamcada.

Maxamuud jawaase waa arday hawlkar ah in badan kasoo qayb qaatay horumarka jaamacada iyo waxbarshada, hawlo badan oo jaamcada laga qabtay ka mid ahaa ardaydii ku dhex jirtay isku xidhka maamulka jaamacada iyo ardayda sido kale kamid ahaa qaban qaabiyayaasha xaflada qalinjabinta labadii sano ee lasoo dhaafay.

Dhamaan ardayda jaamacada Admas University waxay u balan qaadaysaa in ay si wanaagsan ula shaqeen doonan , waxaanay ugu duceenayaan in ilaahay u fududeeyo xilka loo igamday amen

Gmail: mahedi.alsomal@gmail.com  

WQ: mahedi ismail

LEAVE A REPLY