Halkuu Saldhigan Doonaa Dagaalka Siyaasadeed Ee Ka Dhex Qarxay Faysal Cali Waraabe iyo Baashe Maxamed Faarax?

0
2051

Hargeisa (Hargeisa Press)- Waxa taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhex dhalatay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay guddoomiye Baashe inuu yahay caqabada hortaagan inay doorashadii golaha wakiiladu dalka ka qabsoonto, waxa kale oo uu eeddo u jeediyay guddoomiye Baashe iyo xildhibaano kale oo ka soo jeeda gobalka Sool.

Guddoomiye Baashe oo ka jawaabay eedaynta Faysal Cali Waraabe, ayaa isna soo qaaday weerar siyaasadeed oo kale, waxaanu guddoomiye Faysal ugu hanjabay in goluhu soo saari doono xeer murashixiinta madaxtinimo ee dalka ka mamnuucaya inay saddex goor u tartamaan

Madaxweynenimo.

Guddoomiye Baashe, wuxuu yidhi “Faysal wuxuu ka hadlay doorasho, wuxuu yidhi Baashe wuxuu diiddan yahay in la diwaangeliyo Dadka Sool iyo Sanaag, Anigu doorasho ma diiddan oo waanu rabnaa, wayna dhacaysaa. Aniga iyo Faysal doorasho iskuma hayno, waxaanu isku haynaa wax aanan Anigu shaqo ku lahayn oo ah wax Golaha oo dhami qabeen, Xisbiyada mid walba 21 kun oo dollar baa la siinayey si Xisbiyada loo kobciyo, waxay ku soo beegantay markii Xanuunka Kuududiyuhu dalka haystay, markaa Xildhibaannada waxa u muuqatay inay Xisbiyada ku badan tahay in 21 kun oo dollar la siiyo, markaa Xildhibaannadu waxay garteen in Lacagtaa xisbiyada 50% looga gooyo Cisbitaallada, markaa ta uu faysal igu haystaa waataa, Anigu lacagta kama goynin ee Golaha oo dhan bay u taallay, haddii Ilaahay yidhaahdana Lacagtaasi Miisaaniyadda waa la wada jarayaa.” Ayuu yidhi gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Waxaanu intaa sii raaciyey “Isagu wuxuu ku fadhiyaa (Guddoomiye-nimad UCID) wuxuu ku fadhiyaa Xeer anagu aanu qornay, Annaguna waxaanu ku fadhinaa Dastuur, markaa haddii uu ka waantoobi waayo guddoomiye Faysal, Guddoomiye Xisbi sidan uu yahay ku ahaan maayo, saddex doorasho ayuu galay saddexdiiba wuu dhacay, wuxuu doonayaa inuu mid afraad  (galo) waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu mid afraad isku taagin.”

Hanjabaada guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo aan la garanayn inuu kaga dhabayn doono ayay dad badani la sugayaan furitaanka kalfadhiga golaha wakiilada oo dad badani sugayaan in la furi doono badhtamaha bishan June.

Si kastaba ha ahaate, haddii ay golaha Wakiilada Somaliland hirgeliyaan xeerkaas murashixiinta madaxweynaha ka mamnuucaya inay saddex goor tartamaan, waxa siyaasadda Somaliland ku iman kara isbedel aan la filayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here