Qisada Nebi Yuusuf CS waxa ku duugan murti iyo xikmado dhinac kasta oo nolosha ah taabanaya, kuwaas oo Ilaahay SWT ugu talogalay in aynu wax ka baranno. Qur’aanka meelo badan ayuu Ilaahay kaga waramay Nebi Yuusuf, laakiin, si gaar ah waxa qisooyinkiisa uga waramay Suuradda loogu magac-daray ee (Suurat Yuusuf).
Qoraalkan kooban waxa aynu dul istaagi doona murtida ku duugan ee aan ka fahmay Aayadda 67aad oo ka waramaysaa DARDAARAN iyo TALO uu Nebi Yacquub (CS) siiyay wiilashiisa markii ay galayeen Masar si ay ula kulmaan walaalkood Nebi Yuusuf CS.
Ujeeddooyinka iyo casharrada ay xambaarsan tahay Aayaddu waxaa ka mid ah oo igu kelifay in aan idinla wadaago: (1) Muhiimadda Taxaddarka: Nebi Yacquub (CS) wuxuu kula taliyay wiilashiisa in aanay hal albaab ka wada gelin Masar, balse ay isku qaybiyaan albaabbo kala duwan. Waxa la odhan karaa sababtu waxa ay ahayd inuu ka ilaaliyo in la dareemo oo hal mar dhibaato soo wada gaadho ama ay indhaha dadka qabtaan. Tani waxay muujinaysaa in qofku qaato taxaddar iyo xeelad, xitaa isaga oo Allaah talo saaranaya. (2)Talo-saarashada Dhabta ah: Inkasta oo uu kula taliyay inay taxaddaraan, haddana wuxuu Nebi Yacquub (CS) sheegay in aannu waxba uga tari karin amarka iyo qaddarka. Tani waxay ina baraysaa in inkasta oo bini’aadamku dadaalo, natiijadu ay tahay mid Allaah go’aamiyo. (3) Xukunka Allaah: Aayaddu waxa ay xoogga saaraysaa in xukunka iyo amarku uu u sugnaaday Allaah keligii (إِنِ الْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ). Tani waxa ay ina xusuusinaysaa in wax walba ay ku jiraan gacanta Allaah, oo ay tahay in la aqbalo qaddartiisa.
Nuxurka Aayadan oo casharo badan xambaarsan casharka ugu muhiimsan ee aynu kala dhex baxaynaa waa muhiimadda isku dheellitirka CAMALKA iyo IIMAANKA, innaga oo aamisan in wax walba ay ku jiraan gacanta Allaah, oo ay tahay in la aqbalo qaddartiisa, haddana taxadarku waa muhiim.
Su’aashaydu waxa ay tahay, Aayaddan ma lagu dabbaqi karaa in qoysasku marka ay safar galayaan aanay hal gaadhi mar wada raacin? Iyada oo aynu hore u aragnay in qoysas hore oo shilal galay sidaas ku tageen?
Waa fahankayga!
Ramadaan Barakaysan.
W/Q: Mustafe Aadan