Hagardaamooyinka Somaliland Ka Dhaxashay 7-Sanadood Oo Siilaanyo Haystay Iyo 2-Sano ee Muuse Biixi Hadda Xukumayay + Walaaca Bulshada Iyo Dhiigga Qubanaya.

0
805

Hargeysa(HargeisaPress) –Jamhuuriyadda Somaliland oo hadda sideed iyo labaatan Sannadood jirtay, waxaa Xukunka si nabadgalyo iskaga dambeeyay Shan madaxweyne kuwaasi mid waliba waayaheeda iyo wakhtigeeda lasoo qaatay. Waxa ay shacabka Reer Somaliland farta afka ku hayeen oo walaacii ugu cuslaa soo waajahay, Hogaaminta labadii Madaxweyne ee u dambeeyay Siilaanyo Iyo Muuse Biixi oo hadda xukunka haya. 7-sannadood oo Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo dalkan haystay oo aanay Somaliland mahadin, iyadoo bulshada laga dhaadhiciyay inuu tamar gabay islamarkaana hogaamintii dalku gacan kale u gashay, waxa wakhtigaasi uu Siilaanyo dalka Xukumayay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen guud ahaan Sumcadii Somaliland iyadoo wakhtigaasi la sheego in hantidii ugu badnayd ee maguurtada ahayd iyo lacagtii ugu badnayd dalka laga dhacay, waxayaabaha ugu culus ee illaa hadda xal loo laayahay waxa ka mid ah “Hawadii Somaliland” oo ay lacag ku badesheen islamarkaana Dawladda Soomaaliya u saxeexeen inay la wareegto iyo arimo badan oo kale oo lafjab ah. Waxa sidoo kale dalka ka dhacay dagaalo beeleedyo illaa maanta dalka kasii soconaya kuwaasi hab siyaasaydan u socday islamarkaana dhiig badani ku daatay.

Sidoo kale, 2-sanadood oo Madaxweyne Biixi dalkan hadda maamulayay, waxa uu gud madaw ku riday guud ahaan sumcaddii iyo hanaankii hogaamineed ee Dalkani, waxaanu dalkii iyo dadki ka dhigay goob murugo iyo wal wal hadheeyay. Madaxweyne Biixi oo lagu xanto inaanu qorshe siyaasadeed oo uu udejisnaa aanu jirin markii uu dalka la wareegay, ayaa waxa uu haatan dalkii ka laad laadaa haadaan,taasi oo keentay in xiitaa Mucaaridkii iyo siyaasiyiintii kasoo horjeeday ay aamus doorbidaan, si ay ugu tudhaan dalka oo aanu u burburin….

Losoco Qaybo Dambe OO Xiiso Leh….

 

LEAVE A REPLY