Hadii Madaxweyne Muuse Biixi Farmaajo Keeno Hargeysa Bilaa Shuruud Waxey Ka Dhigan Tahey Qaranimadii Somaliland oo uu Wax Ka Baddelay

0
880

Raysal-Wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed Wey jirtey in uu Isbadel uu ka sameeyay Dalweynaha Itoobiya ay saameyn ku yeelatey isbadel kale oo ka dhashay Geeska Afrika Kadib markii uu soo afjarey Colaadii ka dhaxaysay labada dal Elatariya,iyo Itoobiya islamarkaana, uu Socdaal ku taggey Magaalada Muqdisho oo isaga u noqonaysay Hogaamiyihii Itoobiyaan ah ee booqda Muqdisho si nabed ah tan iyo intii ka dambeysay Colaadihii labadaasi dal dhex marey sanadihii toddobataanaadkii.

Isbadelkii uu Raysal-wasaaraha Itoobiya Aby ahmed ka sameeyay Geeska afrika, waxa iska badelay Waktigan Siyaasada ka taagan Gudaha Dalka Itoobiya maadaama Qawmiyadda uu kasoo jeedo ee Orromiya au boqolkiiba Sagaashan iyo sagaal waxa ay taageerreen Jawhar Maxamed iyagoo la doonaya in uu talada Itoobiya isagu qabsado oo si degdeg ah Cod loogu qaaddo taasi wakhtigan waxey wax baddan ka badeshay Nopel-Pricetii uu ku qaatey talaabooyinkiisii wakhtiga kooban, marka aynu eegno ninka ina Xidhiidhinaya inaka iyo Madaxweyne Farmaajo, su,aasha saxda ahi waxey tahey ma si dhabdhab ah ayuu inoo wada hadashiinayaa Soomaaliya iyo Somaliland, iyo mise Wuxuu inaka rabaa sawir Madaxweyne Farmaajo inala galo oo uu Muddo kordhin kaga helo Baarlamaanka Soomaaliya, iyo aragtida Shacbiga Reer Koonfurred ee intooda ugu baddani dalka Dibadiisa ku nool yihiin.

May dhicin in uu Madaxweynaha Koonfurta Soomaaliya  Farmaajo ee muddo xileedkiisii hadda dhamaanayo uu Maalin maalmaha mudadiisa ah si sax ah u xuso ama u sheego, Somaliland oo dee Xornimada ka hor qaadatey Koonfur, oo haddana ah qaran soo halgamay mudo ku siman wakhti adag, oo Madaxweynaha taladda haya Muuse Biixi Cabdi kamid ahaa raggii halgankaasi kasoo qeyb qaatey mudo afartameeyo sanadood oo uu matalayay kuwa horseedka u ahaa Gooni isutaaga Somaliland.

Miyaan la is odhan karrin hadey dhab tahey hadalka kasoo yeedhay ama uu Xaqiijiyay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan-oday), waa mid uu dhab ka yahey Madaxweynaha haddaanay jirrin khilaaf kusoo dhex marey Arintii Komishanka Doorashooyinka.

Haddaba marka aqoonyahanka,waxgaradka, guurtida,odoyaasha iyo inta dhib iyo halgan usoo martey Gooni isutaaga Somaliland ay arinkan gees kasta ka istaageen waxey dadka badankiisu garawshiiyo ka bixinayaan in imaanshaha Farmaajo ee Hargeysa ay mar walba ka horeyneyso in uu Aqoonsaddo,oo Somaliland Qaranimadeeda iyo jiritaankeeda ku cadeeyo Isagoo Muqdisho jooga.

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

LEAVE A REPLY