HADII LAGU SHEEGO WAA LA IS SHEELAA HADII LAGU SHEELONA WAA LA IS SHEEGAA!

0
1786

Qof garashada ka sabool ah oo xasad u weheliyo ayuumbaa qof kale waxtarkiisa u qiri waaya. Wuxu yidhi IHN Salaan Carrabay:

“Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
Xaasha’e nin libin kaa xistiyay xumihii waa yaabe”

Muddo ka badan 10 sano ayaan hada Somaliland ka shaqaynayay. Mudadaa waxan ku hawlanaa shaqo aan ku lacag qaadanayay iyo mid tabaruc ah oo aanan ku qaadanayn:

SHAQADA AAN KU LACAGTA QAADANANAYAY WAXA KA MID AHAA:
a) La taliye dhawr wasaaradood
b) Cilme baadhis iyo Tababar
c) Wacyigelinta ajanebiga dalka ka shaqaynaya

SHAQADA TABARUCA AH:
a) Casharo dhaqaalaha ah oo aan ka bixiyay Jaamacadaha dalka qaar
b) Tababaro ku saabsan shaqo raadiska oo aan siiyay dhallinyarada Jaamacadaha ka baxda
c) Guddoomiyaha Ururka Dhaqaaleyahanada Somaliland

WASAARADAHA AAN LA TALIYAHA KA NOQDAY (ADVISER TO VARIOUS MINISTRIES):

Wasaaradaha Ganacsiga, Maalgashiga, Maaliyada, Shaqada iyo Wasaarada Gaadiidka iwm

CILMI BAADHISTA (RESEARCH AND TRAINING)
Waxan ku guulaystay in aan dalka ka sameeyo Cilmi Baadhis tiro badan kuwaas oo aan Cinwaanadooda halkan idinkula wadaagayo:

1. NDP III Economic Chapter, Ministry of National Planning and Development, Nov. 2022
2. Berbera Corridor Infrastructure Assessment: Ministry of Finance, March 2022.
3. Assessment to Review the Organisational Structure of the Somaliland Road Authority (RDA), Ministry of Transport and Roads Development, December 2020.
4. Somaliland exports to Ethiopia: challenges and opportunities, Ministry of Finance, August 2020.
5. Economic Impact of Trade and Transit Agreement between Somaliland and Ethiopia, Ministry of Finance, July 2019.
6. Assessment on how DP World’s Berbera Economic Free Zone will impact the local economy, Spark, April 2019.
7. Corporate Affairs and Publicity Review, Telesom Company, December 2018.
8. Challenges and threats faced by SMEs in Somaliland, Ministry of Trade, July 2017.
9. Women’s land rights and territorial rights of Somali minorities, Nagaad Network, March 2016.
10. Women’s Role in the Electoral Process in Somaliland, Nagaad Network, December 2015.
11. PPP Baseline Survey, Ministry of Trade, Somaliland, June 2014.
12. Capacity Needs Assessment for Economic Actors in Somaliland, UNDP, January 2013.
13. Remittance Market Research, Dahabshiil Financial Services, August 2012.
14. Capacity Assessment Report, Ministry of Labour & Social Affairs, Somaliland, April 2012.
15. Labour Market Survey in Burao, Havoyoco, August 2011.
16. Labour Market Assessment, Youth Employment Program, Norwegian Refugee Council, January 2011.

TABABARADA AAN BIXIYAY:
Waxan iyana bixiyay tababaro badan oo aan siiyay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadaha: Dahabshiil, Telesom iyo Bangiga Dhexe ee Somaliland.

WACYIGELINTA SHAQAALAHA AJAANIBKA (CULTURAL AWARENESS SESSIONS FOR EXPATRIATES)
Aniga oo la kaashanaya Wasaarada Shaqada waxan siiyay tababar dadka ajaanibka ah ee ka shaqaynaya Somaliland si ay u bartaan dalkeena Taariikhdiisa, Diinteena iyo Dhaqankeena. Barashada arrimahaasi waxay u sahleen dadkii ajaanibka ahaa inay si habsami ah u gutaan xilkooda shaqo oo aanay isku qaldin Somaliland iyo Somalia. Waxan tababaray dad ka badan 384 qof oo ajaanib ah.

CASHARO DHAQAALAHA AH OO AAN SIIYAY JAAMACADAHA QAAR (ECONOMICS LECTURES )
Waxan ka bixiyay casharo ku saabsan dhaqaalaha qaar ka mid ah jaamacadaha dalka sida: Hargeisa, Admas iyo Ceerigabo (Gollis)

TABABARO KU SAABSAN SHAQO RAADISKA (JOB-SEARCH SKILLS)
Waxan siiyay qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha ka qalin jebiyay casharo ku saabsan sida CVga loo qoro, sida Interview ga loo galo iyo xirfadaha shaqo raadinta. Tirada ardayda qaatay tababarka waxay ka badanyihiin 431.

GUDDOOMIYAHA URURKA DHAQAALEYAHANADA SOMALILAND
Waxan ahay Guddoomiyaha Ururuka Dhaqaalayahanada Somaliland (Chairman of Somaliland Economics Association) waa urur ay ku bahoobeen dhaqaalayahanada Somaliland oo ujeedkiisana ay ka mid tahay ka talo bixinta ammuuraha dhaqaale ee dalka.

QORAALADA AAN SAMEEYAY
Waxan sameeyay qoraalo badan oo ah dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasada ay ka mid yihiin kuwani:

1. Somaliland Deserves International Recognition, unpublished paper, July 2021.
2. Prospects for Economic Development and Future Priorities for Investment, The Tribune, August 2019.
3. Facts about Somaliland, unpublished paper, 2017.
4. Somaliland Needs Urgent Economic Reforms, an article published in the English Weekly – The Tribune, Somaliland, July 2016.
5. The Role of Remittance in the Economic Development of Somaliland, an article published in the English Weekly Newspaper – The Somaliland Times, March 2015.
6. Overview of Somaliland’s Economic prospects and Future Investment Opportunities, a paper written for the Ministry of Commerce, March 2014.
7. Introduction to Public Private Partnership (PPP) in Somaliland, policy paper, Sept. 2013.
8. The Role of Commercial Banks in the Development of Somaliland’s Financial Services, paper presented to the Somaliland Parliament’s Economic Subcommittee, January 2012.
9. In Defence of Somaliland, a rebuttal article published in Somaliland Sun, Sept. 2011.
10. Open Letter to President Obama, a letter asking the President to allow Somaliland to determine its destiny, May 2011.

Waxtarka iyo tacabka kor ku xusan ayaan geliyay dalkayga welina waan u heelanahay, himiladayduna waxa weeye wixii aan toosin karo inaan toosiyo si taban iyo si toganba. Muwaadin kastaa xaq buu u leeyahay waxqabadkiisa hadii loo qiri waayo ama su’aal laga geliyo inuu sheegto ana maanta ayaan sheegtay.

Siyaasad ahaan waxan taageeraa is bedel doonka gaar ahaan xisbiga Waddani xaqna waan u leeyahay aniga oo dalkayga u shaqaynaya inaan taageero cida aan u arko inay halka maanta la joogo hore uga sii qaadayso dalka.

Waxan aaminsanahay qofna inaan lagaga masuugin waxqabadkiisa si aynu isu dhiiri gelino.

Wuxu yidhi IHN Gaariye:
“Waxaan godobtiisu hadhin
gar aad leeduu ogyahay
nin kaaga masuugay gole”

Cidii rabta inaan la wadaago qaar ka mid ah Cilmi Baadhista ama inay ka soo qayb galaan tababarka aan u qabto dhallinyarada shaqo raadiska ha ila soo xidhiidho.

Somaliland Guul !!!
Prof. Adam Ismail (Adanweli).

LEAVE A REPLY