“Hadii golihii kale doorasho galay idinkuna diyaar garooba waa”…

0
577

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay in loo baahan yahay diyaarinta xeerarkii lagu soo dooran lahaa xildhibaanadda golahaasi.
Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu tilmaamay in mar haddii ka bedelay xildhibaanadii golaha Wakiiladda oo muddo 11 sanadood ah muddo dhaaf kuraasta ku fadhiyay.
In wixii hadda ka danbeeya loo diyaar garoobo sidii loo qaban lahaa doorasho lagu bedelayo mudaneyaasha golaha Guurtidda.
Kuwaasoo muddo la soo doortay sanadkii 1997-kii, isla markaana mudadaa wixii ka danbeeyay aan la soo dooran.
Guddoomiye Saleebaan, waxa uu sidsn ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay furitaanka kal-fadhigii 72aad ee golahaasi.

Geesta kale guddoomiyaha Guurtidu waxa uu ka hadlay doorashooyinkii dhawaan dalkan Somaliland ka qabsoomay.
Doorashadaasi oo uu ku tilmaamay wax weyn iyo guul qaran, isla markaana in guusha doorashadaasi iyo mahad naqeedaba ay leeyihiin dadweynaha reer Somaliland.
Sidoo kale xisbiyadda siyaasadda ayuu ku amaanay in ay ololihii iyo codayntii doorashadaasi si bilaa turxaan ah uga qayb qaateen.
Iyadoo aanay jirin wax is qab qabsi ah oo dhex maray xisbiyadda siyaasadda.
Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa kaloo uu sheegay in gole Guurti ahaan kaalinta ay ku lahaayeen doorashooyinka ay ahayd wacyigelin.
Sidaas darteedna ay xubno ka tirsan golahaasi u kala baxeen dhamaanba goboladda dalka intii lagu guddo jiray ololihii doorashooyinka.

DAAWO: GUDDOOMIYE SALEEBAAN OO ARRIMAHAA KA HADLAYA:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here