“Haddii Dhoobo-daareed uu Somaliland imanayo aad baanu u soo dhawaynaynaa”…

0
687

Hargaysa (Hargeisa Press): Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay tallaabadii dhawaan ay baarlamaanka maamulka Puntland xilka kaga xayuubiyeen guddoomiyihii baarlamaankaasi C/xakiin Maxamuud Axmed (Dhoobo-daareed).

Wasiirka biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan loo marin dariiq sax ah, isla markaana muujinaysa in Puntland ay ku xad-gudubtay nidaamkii u degsanaa.

Waxaanu sheegay in haddii guddoomiyihii xilka laga xayuubiyay uu Somaliland imanayo ay ku soo dhawaynayaan, waa haddii uu aaminsan yahay qadiyadda jiritaanka jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Waxaan u aragnaa kolay nidaamkii ay sheeganayeen in aanay u marin, sida ay u dhaqmaan iyo sida dastuurkoodu qorayo. Cidii meesha ku fadhiday in aan sidii sharciga ahayd loo marin. Waxaanan u aragnaa in ay sifo sharci darro ah u dhacday.

Dhoobo, waa nin Somalilander ah. haddii uu imanayo Somaliland aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa, isagoo aaminsan Somaliland. Sababtoo ah wuxuu ka mid ahaa dadkii aanu u sheegaynay in aanay Puntland waxba u oolin”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Marnaba wax sidaa u eg ama u dhaw, halkan (Somaliland) kama dhici karto.

Waana meel Somaliland la og yahay haddii sidaas qof loola dhaqmo, ama wax u dhacaan saamaynta ay keenayso”ayuu yidhi Saleebaan Koore oo maanta la hadlay Eryal TV.

Dhinaca kale maalintii xilka laga xayuubiyay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland waxaa magaalooyinka Badhan, Dhahar, Xiin-galool iyo kuwo kale ka dhacay mudaharaadyo ay dhigayeen bulshadda magaalooyinkaasi oo ay ku muujinayeen siday uga xun yihiin xil ka qaadista Dhoob-Daareed.

Dadkaasi mudaharaadka dhigayay ayaa ruxayay calanka Somaliland, isla markaana ku dhawaaqayay erayo ay u dhaliilayeen maamulka Puntland, halka ay amaan iyo taageero u muujiyeen madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisa.

Wasiir Koore, ayaa bulshadii isu-soo baxa dhigay ku bogaadiyay taageeradda ay u muujiyeen Somaliland oo uu ku tilmaamay mid ka marag kacaysa sida aanay dadkaasi waxba ugu oolin Puntland.

Waxaanu yidhi “Waxa kaloo aan halkan uga mahad celinayaa dadka Bariga Somaliland dega, oo arrintaa ka gil-gishay, oo ka xumaaday, oo dareemay dhibta ay Puntland ku waddo degaamadaasi. Iyadoo Puntland in ay sidaas qof u bah-disho mooyee, aan weli wax ay dadku ku farxaan lagu arag”.

“Waxaanu leenahay dadkii calanka Somaliland ruxayay, dadkii madaxweynaha Somaliland magaciisa ku dhawaaqayay, waanu idin garab taagan nahay, hiil iyo hooba.

Ummad reer Somaliland ah baad tihiin, dalkaad wax ku leedihiin, dadkaad wax ku leedihiin, khayraadkaad wax ku leedihiin, talladaad wax ku leedihiin.

Dalkiina aamina oo kaalaya. Xukuumadda iyo dawladuna haddii ALLE SWT idmo way idin soo gaadhaysaa. Baahiyiiina hore-na waxbaa looga qabtay, wax bada-na waa la qaban doonaa”ayuu yidhi Saleebaan Cali Koore.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here