“Haddii Aynaan Isku Tashan Meel Gaadhi Mayno Halisna Ka Bixi Mayno”…

0
759

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha hay’adda u diyaargawga aafooyinka iyo kaydka raashinka mudane Faysal Cali Sheekh, ayaa ka hadlay xaalad abaareed oo ka jirta Somaliland iyo sida ay deegaanada qaar xilligan uga taagan tahay biyo la’aan saamaysay nololasha dad iyo duunyo.

Gaar ahaana gobolada bari ee dalka gaar ahaan Sool,Sanaag iyo Badhan. Waxaanu  intaa raaciyay in ay qorshaynayaan sidii deeganaa loo gaadhi lahaa ee dadkaa loogu gurman lahaa.

Guddoomiye Faysal ayaa  sheegay in loo baahan yahay in umad ahaan talo wada jir ah laga yeesho abaaraha soo noq noqday iyo saamaynta ay bulshada ku keenaan.

Waxaa kale oo uu guddoomiye Faysal ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in ummad ahaan aynu waxla soo baxno oo nolosheena xilligan ku tiirsan wax dibed innooga yimaadda in aynu ka badbaadno oo dhulkeenna iyo baddeena wax kala soo baxno iyo in tacabka lala soo baxaa in uu suuq ka helo guud ahaan bulshada reer Somaliland si wax sooraaskeenu kor ugu koco oo uu qofku ugu dhiirado in uu wax la soo boxo.

Ugu horrayn guddoomiye Faysal oo ka hadlayay tallaabadadib u xoolaynta ah ee xukuumaddu dib ugu kaabayso nolosha qoysaska duufaantii Sagar ku tabaaloobay iyo kuwa abaarihii xoolihii kaga bexeen,ayaa yidhi “waxaan safar shaqo ugu baxnay gobolka Selal oo oo aanu ka bilawnay dib u xoolaynta dadkii xooluhu kaga bexeen duufaantii Sagar.

Waxaana la xoolaynayay qoysaska ay gacantooda ku sii hadheen xoolo tusaale ahaan qoysaska haysta 15 illaa 20 neef oo adhi ah ayaanu xoolo siinaynay si ay noloshoodii miyiga dib ugu soo kabtaan laakiin qoysaska xoolihiiba ay ka wada bexeen si kale ayaa noloshooda loo kaabayay oo lacag caddaan ah iyo raashin ayaa qoysaska aan xoolo ku hadhin gacantooda loo qorsheeyay.

Waxaa jira qorshe cad oo ah siyaasadda xukuumadda ee ay dalka ku hoggaaminayaan madaxweynaha iyi madaxweyne ku –xgeenka qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ah in dadka reer miyiga ah wax loo qabto oo halkooda lagu xooleeyo si aanay noloshoodu halis u gelin isla markaana aan loo caydhoobin dadkuna magaalada u soo wada gelin. Tallaabadaas oo ah mid wax wayn ka taraysa nolosha dadkii ku tabaaloobay abaarihii soo noq noqday yo duufaantii Sagar ee gobolada galbeedka dalka ku dhufatay” ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh oo u waramay wargeyska Dawan.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Annagoo taa ka duulayna,ayaanu socdaal ku tagnay gobolka Selal waxaanan soo qaybinay xoolo dhan illaa 9000 kun oo neef oo adhi ah oo isugu jira Riyo iyo Ido,waxaana loo qaybinayay dadkii gacantooda wali xooluhu ku sii jireen,hannaan wanaagsan ayaanan ugu qaybinay oo illaa maamulka heer tuulo,degmo iyo gobolba way nala socdeen dadkuna aad iyo aad ayay usoo dhaweeyeen waxtarkaa iyo dib u xoolayntaa xukuumaddoodu u samaysay waxaanay ku farxeen in dib loo kabo noloshooda oo ay xoolayntaa helaan waxaana ku jiray adhiga aanu u qybinay qoysaskaa orgigii iyo wankii waana xoolo dhaqmaad ah oo taran ah,kaadhadh,ayaan dadka u samaynay oo guddiyo illaa odayaasha deegaanku ay ka mid yihiin ayaan ka wada shaqaynayay oo nagala qayb qaatay.meelo yar oo ka mid ah Saaxil iyo Gabilay dusheeda oo noo hadhayna way jiraan oo iyagana aanu dhakhso ugu qaybinayno dhawaan insha ALLAH.”

Guddoomiye Faysal oo ka hadlayay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta,ayaa yidhi “waxanaynu ku jirnaa xilli kulul oo abaareed oo dalka ka jirta marka hore ALLE ayaan ka baryaynaa in uu innaga jabiyo abaarta oo uu nimcadiisa inoo shubo, deegaano badan ayay maanta ka jirtaa xaalad abaareed oo kulul gobolada qaar waxaa ka jirta biyo la’aan deegaanada qaarna waxaa ja jira biyo la,aan iyo baad la’aan waxaana ugu sii daran gobolada Sool,sanaag iyo Badhan oo xaalad adag oo abaareed ay ka taagan tahay dad badan ayaanay saamaysay abaartaasi.

Ka hay’ad ahaanna xaaladda abaareed ee dalku galay bishii koobaad ee sannadkan ayaan warbixintii ugu horraysay aanu gaadhsiinay xukuumadda iyo hay’addaha arrimahaa nagala shaqeeyaba,markaa kaliil aad u kulu ayaynu galnay oo taabatay nolosha dad iyo duunyoba,dadkana wax waa la gaadhsiiyay laakiin kollay wax ku filan noloshooda maaha xaaladiina way taagan tahay imikana hay’addo badan oo aanu wada shaqayno,ayaa qaybintii ku jira oo ay ka mid yihiin ARC,NRC,CARE,iyo hay’addo kale oo badan gobolada Sool,Saraar iyo Sanaag intaba qaybin ayaa hadda ka bilaabantay,xukuumadduna way ka shirtay waanay ka kulmeen gudidii heer qaran waxaanan rejaynaynaa in si deg deg ah dadkaa wixii loo qaban karaba lala gaadho dedaal bandanna xukuumaddu way ugu jirtaa sidii dadkaa gurmad qaran loogu samayn lahaa.”

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY