“Hadalkii madaxweynaha Puntland wuxuu ahaa dhagar qarsoon iyo”…

0
527

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka Cadaaladda Somaliland ayaa mid dhagar qarsoon ahaa ku tilmaamay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay madaxweynaha Puntland ee ahaa in uu Somaliland wada hadal la furayo.

Waxaanu sheegay in hadalkii madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland uu ku sheegay in uu wada hadal nabadeed la gelayo Somaliland uu ahaa shirqool dhagaraysan.

Nabaddii uu ku baaqayay ay noqotay dagaal Gaadmo iyo dhuumasho ah oo lagu soo qaaday guddoomiyaha gobolka Badhan oo shalay jid-gooyo looga galay meel u dhaw magaalada Badhan.

Wasiir Cabdirisaaq Cali Cabdi (Saalax), oo maanta Hargaysa warbaahinta kula hadlay waxa uu intaa raaciyay in duulaankaa gardarada ah ee Puntland ay ku soo qaadeen maleeshiyada Puntland ciidanka qaranku tallaaboadag uu ka qaaday oo ay dhirbaaxo culus gaadhsiiyeen.

Waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan warbixin ka bixiyo shaqaaqadii ay maalintii shalay ka sameeyeen qowlaysato ka tirsan maamulka Puntland degaamada Somaliland gaar ahaan gobolka Badhan.

Sidaad la socotaan gudoomiyaha gobolka Badhan oo dhawaan la magacaabay ayaa waxa uu halkan safar kaga tegay isagoo u socda gobolkii.

Markii uu marayay Ceerigaabo wuxuu sii maray Yubbe, wuxuu sii maray Ceel-cad, wuxuu galay magaalada Hadaaftimo si fiican ayaa loogu soo dhaweeyey.

Markaa kadib ayaa qolo qawlaysato ah oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa si dhuumasho ah waxay usoo dhaafeen ciidamada Qaranka Somaliland ee jooga gobolka Badhan hareerihiisa”.

“Iyagoo ka soo dusay meel, dhulku waa buuralay, waa dhul luuq-luuqyo badan leh oo meelo badan oo laga dusduso iska leh si dhuumasho ah ayaa markii ay ka war heleen in guddoomiyihii la soo dhaweeyey ayay dhabarka ka soo dhaafeen deegaamadaas.

Waxaanay guddoomiyaha u galeen meel la yidhaahdo Karin-Duushe oo Hadaaftimo iyo Badhan u dhaxaysa kadib markii uu ka baqoolay Hadaaftimo”ayuu yidhi wasiirka Cadaaladda Somaliland.

Geesta kale wasiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay weerarkii ay shalay maleeshiyo Puntland ka socotay u gaysteen badhasaabka gobolka Badhan ee Somaliland.

Waxaanu yidhi  “Waxba kama faa’iidiin, khasaare weyn ayaa ka soo gaadhay, jab ayaana ka soo gaadhay.

Dhibaato weyn ayay kala kulmeen, way ka shalleeyeen, kuma farxin, halkaa waxa ku dhintay taliyihii ciidankaa watay ee Puntland.

Waxa ku dhaawacmay ku xigeenkiisii, waxay qaateen dhaawac farabadan way carareen, ciidankii la socday guddoomiyaha Badhan ee Somaliland si fiican ayay isku difaaceen”.

Dhinaca kale wasiirka Cadaaladda Somaliland waxa uu hadal munaafaqad ah ku tilmaamay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay madaxweynaha Puntland ee ahaa in uu wada hadal la furayo Somaliland.

“Madaxweyne Denni waxaa uu yidhi Somaliland ayaan wada hadal la gelyao. Taasi waxay ahayd dhagar qarsoon oo ku gabanayay oo uu doonayay ku dago Jamhuuriyadda Somaliland, heshiiskuna wax la aamini karra ma maaha.  Wax aanu ka heshiinaa-na maba jiro”ayuu yidhi wasiirka Cadaaladda Somaliland.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here