“Hadal na dhexmaray Suxufi Mareykan ah oo shirka joogay..”

0
608

ISTANBULโ€“ Suxufi ka tirsan wakaalad kamid ah kuwa dunida ugu waawayn oo shirka joogay, kana mid ahaa suxufiyiin waagii Dekada Berbera DP World la shaqaynayay oo diyaariyay warbixino cajiib ah ana aan kala shaqeeyay sidii wadanka ay uga bixi lahaayeen warbixino fiican waagaas ayaan saaka waydiiyay kawaran Qudbadii Madaxweynahayaga iyo siday dawlada Imaaraadka iyo Madaxdii shirku uga falceliyeen qudbadiisii wuxuu igu yidhi.

“Maxamedow, Madaxweyne Cirro sifiican ayuu u soo jiitay attentionka madaxdii 2000 ka badnayd ee shirka fadhiyay hadal kooban oo nuxur leh ayuu jeediyay, Hadalka kaddibna dhawr kamid ah madaxda wadankan ugu sareeya oo shirka fadhiyay ayay is arkeen, dawlada Imaaraadkuna sababta ay uga dhigtay afartii madaxweyne ee ugu horeeyay ee shirka ka hadlaa waxay ahayd, isbedel wayn oo soo socda iyo talaabooyin horleh oo dhawaan dhici doona “intaas ayuu iisheegay saaxiibkay, magiciisa waxan uga reebay maadaama oo hadalkayagu ahaa mid private ah.

Aadbaan ugu faraxsanahay inuu madaxweynahaygu goob caalamku sidaa ujoogo inagu metelay oo fariinteenii dunida gaadhsiiyay.

Mohamed Duale โ€“ Horndiplomat Founder and Chief Editor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here