Haayadda Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Oo Caawimo Ka Qaybisay Saraar

0
480

Caynaba (HP): Haayadda u diyaar garrowga iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland ayaa maanta caawimooyinka raashin qaybin ah ka fulisay degaamo ka tirsan gobolka Saraarr.
Raashinkaasi ayaa loo qaybiyay 1500 oo qoys oo danyar ah, kaasoo raashinka loo qaybiyay uu isugu jiray noocyo kala duwan oo cuntadda la quuto ah.
Waxaana caawimadaasi qaybiyay guddoomiye ku-xigeenka haayadda u diyaar garrowga iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland Faysal Jaamac Xirsi (Xawte).
Raashinkan caawimadda ah ee loo qaybiyay qoysaska danyarta ah waxaa soo bixisay dawladda boqortooyadda Sucuudiga, oo kaashanaysa haayadda u diyaar garrowga iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here