“Haayadani waa hal-bawlaha jamhuuriyadda Somaliland waanan hanbalyaynayaa”…

0
473

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa bogaadiyay shaqadda ay qaranka uga masuulka tahay haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland.
Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa uu sheegay in haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaashu ay ka mid tahay hawl-bawlaha qaranka, isla markaana ay shaqo muhiim ah hayso qaranka iyo bulshadaba.
Waxaanu tilmaamay wasiirku inuu markhaati ka yahay sida hagar la’aanta ah ee ay haayadaasi masuuliyiinteedda iyo shaqaalaheeduba u gutaan waajibaadkoodda shaqo ee ay qaranka u hayaan.
Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad ay xalay haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland ku abaalmarinaysay shaqaalihii ugu wanaagsanaa sanadkii tegay, sidoo kalena ay ku soo bandhigaysay waxqabadeedkii sanadkii tegay ee 2021-kii.

Geesta kale wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa bogaadiyay shaqaalaha la abaalmariyay, iyo masuuliyiinta haayadaasi ba waxqabadka muuqda ee ay soo bandhigeen.
Maadaama oo haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaashu ay ka shaqayso arrimaha daryeelka dadka jilicsan iyo kuwa baahan, isla markaana ay tahay haayad ka shaqaysa arrimaha daryeelka bini’aadanimadda.

DAAWO: Khudbadii Wasiir Maxamed Xaaji Aaadan:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY