Guulaysteyaasha Tartanka Hal-abuurka Ganacsiga Premier Bank Oo La Shaaciyay

0
430

Hargaysa (HP): Waxaa xalay caasimadda Hargaysa lagu soo gabagabeeyay barnaamijka tartanka Hal-abuurka ganacsiga yar yar.

Barnaaminkaasi oo uu Premier bank sanad kasta soo agaasimo kuna maalgeliyo hal-abuurka dhalinyarada.

Xafladda xidhitaanka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa lagu bixiyey abaal-marinno lacageed oo dhan $16,000.

Xafladaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shirre, wasiirka wasaaradda Waxbarshada & tacliinta sare, guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee JSL, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga, agaasimaha guud ee wasaaradda maalgashiga.

Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Somaliland, xildhibaanno ka socday golaha Wakiillada, ganacsato, haayadaha maxalliga ah iyo marti-sharaf kale oo badan.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi goob joog ka ahaa madaxda sare, iyo maamulka Premier Bank, ee waaxyaha kala duwan ee baankaasi.

Waxaana xafladdaasi lagu shaaciyay guuleystayaasha Tartanka Hal-abuurka Ganacsiga oo ay sanadkan ku tartameen ganacsiyada yaryar ee hal-abuurka leh.

Tartankaan ayaa loogu talo galay in lagu dhiirri geliyo dadka hal-abuurka ganacsi leh si ay ugu maalgashadaan ganacsigooda.

Guulaystayaasha sanadkan waxay heleen lacag qadarkeedu dhamaa Lix iyo toban kun oo doollar ($16,000).

Tartamayaashii ganacsatadda yar yar ee tartankaasi ku guuleystay ay saddexdda kaalmood ee hore kuwa galay waxay heleen abaal-marino lacageed.

Waxaana lacagtaasi loo kala helay sidan:

– Kaalinta 1 aad: Toddoba kun oo doollar ($7000).

– Kaalinta 2 aad: Shan kun oo doollar ($5000)
– Kaalinta 3 aad: Afar kun oo doollar ($4000).

DAAWO: Shaacinta Guulaysteyaaaha Tartanka Jal-abuurka Ganacsiga yaryar ee Somaliland:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here