Guul Laga Gaadhay Tallaalka Sadhada COVID-19 oo Daaha Laga Qaaday

0
1381

New York (Hargeisa Press)  – Shirkadda dawooyinka ee Pfizer, ayaa sheegtay in tallaal lagaga hortago cudurka COVID-19 oo ay ka shaqeyneysay uu wax ku ool yahay 90%, sida lagu ogaaday natiijada tijaabo horudhac ah oo la sameeyey.

Khubarada caafimaadka, ayaa soo dhoweeyey guusha tallaalkan ee laga ogaaday kumanaan qof oo lagu tijaabiyey, waxaanay tallaabadan ku macneeyeen mid hakin karta faafitaanka cudurkan sida fudud ugu faafay dunida. Hase-yeeshee, tallaalka ayaa u baahan inay mas’uuliyiinta iyo hay’adaha masuuliyaddaas lihi ansixiyaan.

Pfizer iyo shirkadda ay wadaagga yihiin ee Jarmalka ee BioNTech, ayaa sheegay in illaa iyo hadda ayna helin wax wallaacyo amni ah oo la xidhiidha tallaalkan, waxaana la filayaa inay ansixin ka raadiyaan dowladda Mareykanka.

Haddii loo oggolaado, labadan Shirkadood, ayaa qiyaasaya inay sannadkan dhammaadka ah diyaarin karaan 50 milyan oo dhibcood oo tallaaka ah, oo la siin karo 25 milyan oo qof, ka dibna ay 2021 soo saaraan 1.3 bilyan oo dhibcood.

“Maanta waa maalin u weyn Sayniska iyo Bani’aadannimada,” sidaas waxa yidhi Albert Bourla oo ah guddoomiyaha iyo madaxa fulinta ee Shirkadda Pfizer.

Madaxa fulinta Shirkadda BioNTech Ugur Sahin, ayaa isna Wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in tallaaka marka qofka la siiyo uu shaqeyn karo illaa hal sano, inkasta oo aan taas la hubin weli, maaddaama oo wax waliba hadda bilow noqonayaan.

REUTERS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here