Guri Ku Dumay Magaalada Wajaale iyo Dad Ku Dhintay

0
3946
Tog Wajaale (Hargeisa Press) – Wararka hada naga soo gaadhaya magaalada Tog-Wajaale ayaa waxaa ay sheegayaan in mid ka mid ah dhisme ka socday magaaladaasi uu dumay.
 
Dhismahan dumay ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaadhay shaqaale ka shaqaynayay.
 
Wararka na soo gaadhaya ayaa waxaa ay sheegayaan in ugu yaraan 3 qof ay ku dhinteen dhismahaasi, halka 6 qof oo kalena aya ku dhaawacmeen.
Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray Mulkiilihii gurigaasi lahaa.
Dhismaha guriga dumay ayaa ilaa iyo hada waxaa ka socota gurmad deg deg ah iyadoona dadkii halkaasi waxku noqday laga soo daad guraynayo.
Waxaa jira dad ku hoos jira dhismaha guriga dumay oo hada la wado sidii looga soo daad gurayn lahaa dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmayba.
Ilaa iyo hada lama xaqiijin waxaa sababay in uu dhismuha gurigani dumo.

LEAVE A REPLY