“Gumeystayaashu Kuma Tagaan Rabitaankooda..” Qunsulka Itoobiya Ee Garoowe

0
771

Garoowe (HargeisaPress News) – Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul-gobolleedka Puntland waxa Xalay lagu qabtay Munaasibad lagu xusayey 59 guurada ka soo wareegtay wakhtigii Soomaaliya ay xornimadeeda ka qaadatay Talyaaniga, Somaliland-na ku biirtay Soomaaliya.

Xafladda Garoowe lagu qabtay oo barbar socotay Xaflad ballaadhan oo Xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ka qayb-galay Qunsulka Itoobiya u fadhiya Magaalada Garoowe Jen Mabratu Waldo.

Jen Mabratu Waldo oo khudbad ka jeediyey Xuska 59 Guurada Xornimada Soomaaliya ee lagu qabtay Garoowe ayaa sheegay in Awoodda Soomaaliya ku xidhan tahay, kuna xoogaysan karto marka Maamul-gobolleeddadu la shaqeeyaan Dawladda dhexe ee Federaaliga ah.

“Gumeystayaashu kuma tagaan rabitaankooda, waxay ku tagaan markay indhaha dadka ka arkaan wax iska dhicin..” ayuu yidhi, Wakiilka Dawladda federaalka Itoobiya u jooga Magaalada Garoowe.

 

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here