Gudoomiyihii Hore Ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Madal Kulmisay Haldoorka Dalka Ku Wareejiyey Xilkii + Weedhi Dardaarankii Khudbadiisa Ee Quluubta Martida Taabtay

0
959

“Waxaan Ku Faraxsanahay Somaliland In Aan Maanta  Xilka Ka Tegaayo Iyada Oo Aan Laygu Eedaynin Xil Gudasho La’aan, Xurmana Laygu Sabootiyey, Waxaanan Maanta Farxaanoow Kugu Wareejinayaa Rejadii Dhalinyarada Qaranka Ee Shamacaa U Shidan U Illaali” Sharmake Geelle

Hargeysa, (HargeisaPress) – Munaasbad heer sare loo soo agaasimay ayaa maanta ka qabsoontay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa xilalka ay kula kala wareegeen Gudoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md.Sharmaake Axmed Muxumed iyo gudoomiyaha Cusub ee Madaxweynuhu u soo magaacaabay Md.  Farxaan Aadan Haybe, iyada oo madal haldoorka reer Somaliland kulmisay ay ka soo qaybgaleen xilwareejinta labada masuul isla markaana laga jeediyey qudbado u badan sagootin iyo ka mara-kac wax qabad oo loo muujinayo gudoomiyaha xilka baneeyey Sharmarke Geelle iyo soo dhawaynta Gudoomiyaha cusub ee xilka la wareegaya.

Munaasibadda Xilwareejinta oo maanta Xarunta hoolka shaqaalaha dawladda ee Somaliland ka qabsoontay, ayaa Guddoomiyihii hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa madal kulmisay Labeenta iyo haldoorka miisaanka leh ee reer Somaliland Xilkii hay’addaasi ku wareejiyey Guddoomiyaha Cusub ee hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe, waxaanu ka xog waramay mudo 2 sanno ahayd oo uu xilka hay’adda shaqaalaha ka madax ahaa waxqabadkii naf hurista, daacadnimada iyo kartida ay isaga iyo kooxdiisa la shaqaynaysay ku waajaheen ee barnaamijyadii dib u habayntii iyo diwaangelintii  shaqaalaha dawladda oo gacantii ay siiyeen Shacabka iyo saxaafadda Somaliland uu uga mahadceliyey iyada oo dhinaca kale masuuliyiintii kala duwana ee xafladda xil wareejinta ka qaybgalay hadaladii ay ka jeediyeen madashaasi waxay dhamaan marag iyo markhaati

hadaladooda ku cadeeyeen in Sharmarke Geelle noqday masuulkii ugu dadayara uguna waxqabadka badnaa mudadii uu madaxda ka ahaa hay’adda shaqalaaha dawladda oo mudo  Sanno oo ahayd inta uu xilka hayey,

Guddoomiyihii hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo madasha ka hadlay ayaa si qoto-dheer uga warbixiyey dedaalkii adkaa ee uu soo geliyey Hay’adda Shaqaalaha Dawladda intii uu ka ahaa Gudoonka isaga oo si faahfaahsana uga warbixyey jidkii adkaa ee ay u soo mareen  “Marka hore dhamaanteen waxaan inoo rajaynayaa guul, waxaan inoo rajaynayaan Somaliland inay waarto inay ku waarto qalinka iyo tartamada iyo quruxda qaranka ka dhex socda, waxaan runtii ku faraxsanahay aduunyada kolay qofku maalina waad timaada maalina, waxaan runtii ku faraxsanahay qof kasta dunida kolay maalina waad timaada maalina waad dhimanaysa, balse waxaan ku faraxsanahay Somaliland in aan maanta  xilka ka tegaayo iyada oo aan laygu eedaynin Xil gudasho la’aan hay’addii aan madaxda ka ahaa ee Hay’adda shaqaalaha dawladda, aan xilkii ka tegaayo kolayba  maalin ayuumbaan tegilahaa ee mar kolbay waaraysay, kolka waxaan runtii uga mahadcelinayaa madaxweynaha Somaliland maanta xukunka haya (md Muuse Biixi Cabdi) sannad iyo afar bilood oo (REFORM) wakhtigii dib u habaynta Shaqaalaha Dawladdu ugu adkayd in uu madaxweynuhu na garab taagnaa in uu wakhti na siiyey in uu nagu taageeray in hawshaasi ay si wanaagsan u qabsoonto, dawlad hore ayaan xil u hayey anigu Xukuumad cusub ayaa timid madaxweynuhu wuxu gartay in dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee Somaliland aanu baabi’in  oo isbedeladii dalka Somaliland ka socday aanay hawsha socotay waxyeelo gaadhsiinin oo koomiishankaygii iyo maamulkaygii hay’adda shaqaalaha dawladdana lagu ilaaliyo dhiiranaanta ayey ku socotay hay’adda shaqaalaha dawladdu”

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa hoosta ka xariiqay in aanu ahayn nin hadii xilkii qarankiisa uu u hayey laga qaaday aan cunfi iyo cadho kaga tegayn ee uga mahadcelinaaya madaxweynihii ka qaaday lana soo shaqeeyey waxaanu yidhi “Maanta hadii aniga xilkayga loo baahdayna mushkilad badan uma arko oo runtii hawshu halka inay ka sii soconayso ayaan aaminsanahay oo hay’addan Sees adag ayaa u yaala , waxaan ku kalsoonahay in walaalkayga xilka maanta iga la wareegaya ee Farxaan aadan haybe uu hawsha inta iyo in ka badanba halka ka sii wadaayo oo sii horumarin doono oo sii hagaajin doono oo meel sare gaadhsiin doono Ilaa shaqaalaha dawladda ee Somaliland ay noqdaan kuwa ugu sareeya ee qaran yeesho, farxaanoow talo ayaanu qorshe ku samaynay aan doonaayo in aan maanta kugu wareejiyo waa qorshe gobol walba markii aanu safarka ku soo marnay ee Caddaaladda halkiisa ugu gaynay , hadana waxa jira dad gob ah oo aan gobol gaar ah lahayn in Imtixaan loogu dhex qaado , waxaanu ururinay xog ku saabsan dadkaasi intooda Jaamacaddaha ka baxday si ay ku dayasho ugu noqdaan oo ay runtii u guulaystaan oo xogtii anaga oo imika gacanta ku hayna oo Imtixaanadoodii bilaabmayaan ayaan xilka wareejinayaa maanta ee iyagana maanta xurmeeyo kor u wad ama dhexdooda ka qaad oo iyaguna xaq ayey u leeyihiin inay guulaystaan, waxaynu isku dardaarayna iyaguna  Naafadda qaranka oo iyagana Kooto la siiyo sannadkiiba mar oo iyaguna imika bilaabmayo in iyagana la horumariyo oo laga farxiyo iyo in intii guulaysatay shaqaalaha dawladda ee 300 la dhiirigeliyo oo la horumariyo”

md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle  ugu dambeyntii waxa uu si gaara ugu mahadceliyey, shacabka, Saxaafadda, aqoonyahanka iyo cid kasta oo reer Somaliland oo gacan ka siisay hawlihii shaqo ee hay’adda shaqaalaha dawladdu fulisay mudadii uu Sharmarke xilka hayey waxaanu yidhi “Runtii reer Somaliland oo dhan waxaan idiinka mahadcelinayaa sida aad abaalka u taqaanaan ee qofka wax idin geliya aad ugu soo celin kartaan , anigu waxba badan (Tacaba) idinmaan gelin, laakiin masuuliyadii  yarayd ee aad ii dhiibateen ayaan cabaar idiin Ilaalyey oo runtii Qof jeclaysi , Xilo, Xoolo, Xaas iyo Hnati midna kamaan dhaqan, laakiin Xurmo ayaan kala baxay hay;adda shaqaalaha  dawladda, aniguna xurmada aad ii soo celiseen aad ayaan idiinka mahadcelinayaa, waxay tani idareensiinaysa in aan wax badan oo kale la sii qaban karo waayo Somaliland waa dad gob ah oo mudan in loo adeego meel walba iyo mar walba oo runtii ay tahay in loo shaqeeyo waad mudan tihiin ee aad iyo aad ayaan reer Somaliland meel kasta oo aad joogtaan idin leeyahay sidii aad iila shaqayseen iyo intii aad I taageerteen odayaasha , Saxaafadda , Asxaabta, Macalimiinta iyo cid walba hay’adda shaqaalaha dawladda talo, garab iyo gacan ayey ku lahayde cid kasta waxay na tartay Illaahay aduunkana haydinka siiyo axsanaadkiina aakhirana haydinku anfaco Inshaalaah”

Md.Sharmaake oo arimahaa ka hadlaya ayaa dhanka kale cabiray in maanta Shaqaalaha Dawladdu leeyihiin; kayd sugan, aqoonsi mid walba la gaadhsiiyey, siyaasado 16 ah oo lagu dhaqi doonno.

Dhanka kale, Gudoomiye Sharmaake ayaa xusay sida ay guud ahaan-ba maanta ay isku bedeshay nidaamka Shaqo-qaadashashada dalku iyada oo qof walba gobolka uu jooga ku guulaysan karo, Dhankooda waxaa hadalo guubaabo, duco iyo dardaaran isugu jira madasha ka jeediyey xubno kamid ah golaha Wasiiradda, La-taliyaha Madaxweynaha C/waaxid C/qaadir, Proff Mubaarak Aar, Macalin Gahayr iyo masuuliyiin kale oo tiro badan kuwaas oo dhamaantood xusay qiimaha ay maanta leedahay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, Gebo-gabadii kulanka, Shaqaalaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa shahaado sharafyo iyo farxad ku sagootiyey Gudoomiye Sharmaake Geelle, waxaana ugu dambeyntii  Gudoomiyaha Xilka la wareegay ee Farxaan Aadan Haybe ayaa dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay xilka maanta uu la wareegayo isaga oo dhankiisa xusay in uu kaalintaa uu gudoomiyihii hore soo gaadshiiyeyna sii dhaafin doonno.

Guddoomiyaha cusub ee hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland md Farxaan Aadan Haybe, aya dhinaciisa khudbad kooban oo mahadnaq iyo sabootinta md sharmarke Geelle ah ka jeediyey madasha xafladda xilwareejinta isaga oo u mahadceliyey dedaalkii iyo hawlkarnimadii guddoomiyaha hore sido kalena waxa uu balanqaaday in uu halka ka sii wadi doono midhaha guusha iyo waxqabadka muuqda ee guddo. Sharmarke Geelle ka hirgeliyey hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland.

HargeisaPress News Desk = Hargeysa

LEAVE A REPLY