Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Maroodi Jeex Ka Hadlay Cabashada Dugsiyada Gaar Loo Leeyahay.

0
646
Khadar Baaruud Cumar Badhisaab Ku-Xigeenka Gobalka Maroodi-jeex, Hargeysa.

Hargeysa,(HargeisaPress)- Gudoomiye kuxigeenka gobolka maroodi jeex Khadar Baaruud oo ku hadlaya Afka Maamulka ayaa jawaab ka bixiyay cabashada kasoo yeedhay maamulka dugsiyada gaarka ah oo ka cawday sida ay wasaarada waxbarshadu umaamushay deeqihii waxbarasho oo gabi ahaanba laga reebay dugsiyada gaarka loo leeyahay Iyo xeerka wasaaradu kusoo rogtay.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka maroodi jeex ayaa qoraal uu kaga falceliya cabashada Dugsiyada gaarka ah ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka Bulshada ee Facebookga wuxuu kaga Warbixiyay wada hadalo usocday maamulka gobolka iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ay ku dhex dhexaadinayeen Wasaarada waxbarashada iyo sidii wax udhaceen kulankii ay Saaka yeesheen  Wuxuna Udhignaa Sidan;

MAXAA KA RUN AH!!! Shirka jaraa’id ee ay qabteen qaar ka mid ah Dugsiyada gaarka loo leeyahay???.

Annagoo ah maamulka Gobolka Maroodijeex (Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Ku-xigeenka) kulanno aanu wada yeelanay qaar ka mid ah Dugsiyada Gaarka loo leeyahay waxa ay noo sheegeen in ay dood ka qabaan XEER-NIDAAMIYAHA Wasaaradda Waxbarashada ee Dugsiyada Gaarka loo leeyahay,

Waxaanu ka codsanay in ay waraaq kusoo qoraan waxa ay ka cabanayaan, Wasaaradda iyo Dugsiyadanna Gobol ahaan aanu qaadan doono kaalin ah isku soo dhaweyn wasaaradduna way nala qaadatay.

Qoraalkiina waa ay noo keeneen waxaanan usii gudbinay qodobadii dooddooda wasaaradda kana dalbanay inay jawaab waafiya ka bixiyaan cabashada Dugsiyadana la dhagaysto kulan la isku qanciyana ay yeeshaan labada dhinac wakhtigana aanu cayimi doonno Gobol ahaanna aanu goobjoog ka ahaan doonno maalintaa.

Waxaanu u balannay Shirkaa maalintii 05/08/2019 khamiistii 10:00 Am hawlo Shaqo iyo shirar ayaanu kaga yara habsaanay, waanay nagu ixtiraameen in labo saacadood aanu dib u dhiganno nana sugaan, wasaaradda iyo Dugsiyadana waannu ka raaligalinay habsankaa. 11:50 Am ayuu shirkii noo suurtagalay waxaanan iskugu tagnay Hall kii wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, wakhtiga oo goor dambe ahaa aawadeed waxaanu isla garanay in ballan labaad aanu qabsanno si wakhti innagu filanna aanu iskugu helno waxaan isla garanay 09/08/2019 maalinta Isniinta.

Maantoo isniin ah ayey ku beegnayd balantii labaad waxaanu iskugu nimid Sadexdayadii dhinac goobtii aanu ku balannay oo ahayd Hall kii wasaaradda Waxbarashada 10:00 Am,

Shirkii ayaan furay kuna soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada Mr. Cismaan si kulankan uu kalmad uga yidhaa kadibna aanu u guda galno doodda farsamo oo masuuliyiin oo wasaaradda usoo diyaar garoobeen Masuuliyiinta Dugsiyadana ay doodooda usoo gudbistaan.

Haddaba maxaa dhacay markaan kusoo dhaweeyey hadalkii Wasiirka???.

Laba qof oo wajigoodu igu cusbaa kulamadii horena aan nala joogin maantase nagu soo biiray ayaa hadalkii iga dhex galay si ka baxsan anshaxa masuuliyadeed iyo macalinnimo ayuu midkood u hadlay wadaadkaa koofiyad gashanna ninkii labaad ayuu ahaa.

Ugu dambayn madmadaw badan ayaa ku xeernaa Su,aalo badan ayaana ka dhalan kara hadalka Dugsiyadan iyo runtu sida ay tahay si waafiya ayaanu doodda labada dhinac Gobol ahaan usoo bandhigi doonnaa bilaw illaa dhammaad. Waxaanan ugu mahadnaqayaa Wasiirka iyo dhammaan maamulka wasaaradda sida ay nooga aqbaleen isku soo dhawaynta, isqancinta iyo wadahalkana usoo dhaweeyeen noolana qaateen, waxaanan cadaynayaa inaanu wasiirku Shirkaa nagaga kicin masuuliyiintii wasaaradda ugu cuslaana uu ku amray in ay qanciyaan lana fadhiistaan ciddii dood qabta, arrimo Sharci oo doodda Dugsiyadan ka mid ahaa waxaanu gobol ahaan soo balaminay kana codsanay inuu nagala soo qayb galo Garyaqaanka xukuumadda wasaaradduna way naga aqbashay si uu noogu faahfaahiyo wixii qodob sharci ah ee doodi ka timaado.

“FADLAN GARI ALLAY TAQAANE WADAADOOW KA DAA WANJALAADDA WASAARADDA & WASIIRKA IYO WIXII LA ISKU OGAA”.

ALLAA MAHAD LEH.

GUDOOMIYE KUXIGEENKA GOBOLKA MAROODI JEEX

KHADAR BAARUUD,

LEAVE A REPLY