Hargeysa,(HargeisaPress)–Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kaah Mustafe Maxamed Caqli ayaa tacsida iyo murugo la wadaagayaa qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan deegaanka Gabiley, gaar ahaan kuwa uu si gaar ah u taabtay geerida labada marxuum ee shalay ku naf waayay degmada Agabar. Waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo marxuuminta, inta dhaawacantayna uu u bogo dhayo.
Degmada Agabar waa deegaan uu Eebbe ku manaystay macdano kala duwan, balse sanadihii u dambeeyay waxa ka jiray khilaaf u dhexeeya shacabka deegaanka iyo shirkad qoda macdanta. Khilaafkan, nasiib darro, wuxuu sababay dhimasho iyo dhaawac shacab ah. Waxaan aragtidayda ku soo koobi doonaa saddex qodob:
1. Xukuumaddii Hore ee Kulmiye
Mudadii 14-ka sano ahayd ee xisbiga Kulmiye xilka hayay, wax la taaban karo oo ay ka qabatay deegaanka Agabar dhinac walba. Hadana maanta, qaar badan oo ka mid ah masuuliyiintii hore waxay u muuqdaan kuwo khilaafka Agabar u adeegsanaaya siyaasad, iyagoo hadaladooda iyo qoraaladooda ku muujinaya ka faa’iidaysi xaaladda taagan.
Masuuliyiintaasi ma ahayn kuwo laga filayay in ay xaaladda salka dhulka dhigtay ka ganacsadaan, balse waxay ahayd in ay muujiyaan garowshiiyo iyo xushmad ay u hayaan dadkooda.
2. Xukuumadda Maanta Talada Haysa ee (Waddani)
Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxey u muuqataa in aanay si ku filan uga falcelin dhacdadii shalay ka dhacday Agabar. Tusaalooyin la taaban karo ayaa muujinaya in xukuumaddu awood u leedahay falcelin degdeg ah marka ay rabto:, waxa aan tusaale nool u soo qaadayaa 2 dhacdo oo iyo sida ay dawladu uga falcelisay
• Mudaharaadkii Burco: Isla maalintii mudaharaadka dhacay, waxa la diray wefdi heer wasiir ah oo ka baxay Hargeysa.
• Dabka Buurta Daalo (Sanaag): Madaxweyne ku xigeenku, isaga oo ah ku-simaha Madaxweynaha, wuxuu si degdeg ah u magacaabay guddi wasiirro ah si ay uga qaybqaataan daminta dabka iyo gurmadka deegaankaas.
Hadaba, dhacdada Agabar oo ah mid sababtay dhimasho, dhaawac iyo walaac guud oo amni daro, illaa hadda lama arag masuul heer Agaasime, wasiir ah oo xukuumadda dhexe ka socda oo deegaankaas gaaray – marka laga reebo badhasaabka gobolka Mr. Bookh iyo odayaal deegaanka ah oo is xilqaamay.
3. Baaq ku Wajahan Dadka Deegaanka
Bulshada Agabar waxa looga baahan yahay in ay muhiimada siiyaan Nabadgelyada deegaanka. Waxa kale oo lagama maarmaan ah in ay feejignaan muujiyaan, iyaga oo ilaalinaya dantooda, kana hortagaya in laga faa’iidaysto dareenkooda. Dacwadaha iyo tabashooyinkooda waa in ay u mariyaan si Nabadeed iyo Sharci ah, si aanay ugu dhicin cawaaqib xumo kale.
Mustafe Mohamed Aqli
Gudoomiye kuxigenka Xisbiga KAAH