Gudoomiyayaasha Sagaal Jaamacadood Oo Somaliland Ku Yaala Oo Kulan Ay Iskugu Yimaadeen Kaga Hadlay Qaabkii Ay Somaliland Uga Dhici Lahayd Doorasho Nabad Ah

0
886

Hargeysa, (HargeisaPress) —Hoggaamiyeyaasha Jaamicadaha Dalka Somaliland, ayaa si wada jir ah ugu baaqay ilaalinta Nabadgelyada iyo habsami u socodka hawlaha doorashada, iyagoo si gaar ah ula hadlay Dadweynaha, Ciidanka, Guddiga Doorashooyinka  iyo saddexda Xisbi Qaran.

kulan ay shalay isugu yimaadeen Madaxda sagaal Jaamicadood oo dalka ku yaala oo kala ah Jaamicadaha  Hargeysa, Camuud, Bedar, Nugaal, Maroodi-jeex, Frants Fanon, Abaarso Tech, ayaa waxay soo saareen baaq ka kooban lix qodob, kuwaasi oo uu warbaahinta u akhriyey Guddoomiyaha Jaamicadda Beder Md Mubaarik Aar,  waxaanay qodobadaasi u dhignaayeen sidatan.

  1. Waxaanu ku baaqaynaa in laga taxadiro wax kasta oo Nabadgelyada dhaawac u keeni kara, xumayna kara habsami u socodka doorashada.
  2. Waxaanu cid walba kula dardaarmaynaa in laga fogaado wax kasta oo carqaladayn kara in muwaadinku uu si xor ah oo xallaal ah u dhiibto codkiisa.
  3. Waa in laga fogaado faafinta warka aan sugnayn ee wax u dhimi kara geedi socodka doorashada iyo nabadgelyada Dalka.
  4. Waxaanu usoo jeedinaynaa Ciidanka Nabadgelyada Qaranka oo ilaa hadda ammaan leh, inay u guttaan xilka loo igmaday si waafaqsan Dastuurka iyo Shurruucda Dalka.
  5. Waxaanu ognahay in Guddiga Doorashooyinka Qaranku uu hayo xilka ugu culus dalka, waxaanu u sheegaynaa inay u guttaan xilkooda si dhexdhexaadnimo, hufnaan iyo caddaaladi ku dheehantahay, ilaa immikana waxaanu ku bogaadinaynaa sida ay hawsha u wadaan.
  6. Waxaanu kula dardaarmaynaa Axsaabta Qaranka inay kusoo gabagabeeyaan Ololaha doorashada si hufan oo ay xakameeyaan Taageerayaashooda.

Intaasi kadibna, Guddoomiyaha Jaamicadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed ayaa sheegay sababtay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Jaamicadaha Dalku, waxaanu yidhi “Waxa Guddoomiyeyaashii Jaamicadaha Somaliland ugu waaweyn isugu yimaadeen in aanu tallo ka geysano oo aanu baaq u dirno Dadweynaha iyo cidda ay khuseysaba”.

Dhinaca kalena, Guddoomiyeyaasha Jaamicadaha kale ayaa dhammaantood ka warramay Qiimaha Nabadgelyada iyo Qabsoomida Doorashadu u leedahay Dadka iyo Dalka.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here