Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Oo Ku Dhawaaqey In Uu U Taagan Yahey Tartanka Doorashada Golaha Wakiilada

0
1323

Hargeysa,(HargeisaPress)-Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi(TIMO), Ayaa Markii u Horeysay ku Dhawaaqey in uu Kamid Noqonayo Raga u Tartamaya Kuraasta Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland, oo u Baahan Shakhsiyaadka uu Kamidka yahey, ee Dhinaca Shuruucda iyo Garsoorka,Xeerarka, iyo Qoddobada Dastuurka dalka Aqoontabu Leh Sida uu hadalkiisa u Dhigay.

Dhawaaqa Kasoo Baxey, Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Maxamed(Timo), ee Ku Wajahan Damaca Doorashada BaarlamankanSomaliland ayaa Noqotay mid ay Siweyn u hadalhayaan, Aqoonyahanka, Dhinaca Garsoorka ee Somaliland halka iyaduna Siweyn looga hadalhayay Magaalada Gabiley, ee Xarunta Gobolka Gabiley oo Dhawaaqiisu Saamayn ku Yeeshay Maadaama uu kasoo jeedo Gobolka Gabiley.

Geesta Kale Maxamed Maxamuud Xaashi(Timo), ayaa kamid ah Aqoonyahanka Sida aadka ah u Furfuran, ee ay Xidhiidhka Leeyihiin, Qeybo badan oo kamid ah Bulshada Somaliland, ha badnaadeen Aqoonyahanka Dalka intiisa Badan taas, oo Saamayn Taban iyo Mid toganba ku yeelanaysa Murashaxnimadiisa Doorashada Golaha Wakiilada ee Wakhtigan.

 

LEAVE A REPLY