Gudoomiyaha Maxakamadda Sare iyo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi-qaadir Oo Sheegay In Shirkadda Al-xarbi Sifo Sharci Ah Ku Heshay Dhulka Library-ga Gaandi

0
1096

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Maxakamadda Sare Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir,ayaa sheegay in Sifo sharciya Xukumaddu ku Iibisay Dhulka Library-ga Gaandi ee maalmahan muranku ka taagnaa.

Masuuliyiintan ayaa sheegay in Dhulkan Library-ga tartan xalaal ah ay ku heshay Shirkadda Al-xarbi islamarkaana lagu bixiyay dhulkaasi hanaan sharci ah oo maray Guddida qandaraasyada qaranka. Waxay soo jeediyeen in laga daayo nashuushada Muwaadinka dhulkaasi ku helay hanaanka sharciga ah.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Maxakamadda sare oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in dhulkan loogu dhisayo Dhisme Maxakamadda sare “Anagu maxkamad ahaan waxaanu baahi weyn u qabnaa inaanu helno dhisme balaadhan, garsoor ahaan waafaqsan shaqada aanu hayno, sidaa darteed anagu maxkamad baahidayada ayaanu dawladda u gudbinay. Waxaanu ku nidhi maxkamadda sarre waxay u baahan tahay dhisme weyn oo laba dabaq ah oo kaafiya hawsha Garsoorka. Sidaa aawadeed xukuumadu waxay dalabkayaga u gudbisay ha’yaddaha ku shaqada leh, sida hawlaha guud iyo Guddida qandaraasyada, dabadeed dhulkaa madbacadii hore iyo boostii hore ee Saldhiga dhinaciisa, oo dhul dawladdu leedahay ah, ayaa la isla gartay in maxkamada sare lagu baahi tiro oo dhismaha ay u baahan tahay loogu dhiso.

Guddida qandaraasyada ayaa loo diray, iyana tartan u bandhigeen muwaadiniinta, shirkadaha soo doontay, aakhirkiina shirkada Al-Xarbi ayaa ku guulaysatay. Go’aankuna wuxuu ahaa in shirkada ku guulaysata dhulkaasi, ay maxkamada sarre u dhisto guri weyn oo laba dabaq ah, wax lacag ah oo la kala qaatayna ma jirto, dhismihii maxkamadu u baahnaydna, haatan wuu socdaa. Arinku sidaa weeyo, sidan loo dhigayo ee khaladka ahna maaha, dhulkuna dhul dawladdeed buu ahaa, dawladduna dhulkeeda wuxuu sharcigu u ogol yahay inay siday rabto u manaafacaadasato.”

Dhanka kalena Suldaanka Guud ayaa arintan ka hadlay soona jeediyay inaan buuq la galin Dhulkan oo Xukumaddu sifo sharci ah ku bixisay ”Had iyo jeer waxaynu aragnaa dhul dawladdu leedahay oo ay dad shacbi ah ka iibiso. Taariikhda reer Faarax Xarbi deegaan Burco iyo meel kale toona shaqo kumay lahayn, deegaankoodu waa Hargeysa. Guriyihii dawladda dadka ugu badan ee la siiyay, laga iibiyay waa reerka Subeer Awal la yidhaahdo, weli maan arag cid ka daba qaylinaysa oo leh maxaa looga iibiyay halkaa, maxaa loo siiyay halkaa, cidina kuma qabsato.

Waxase la yaab leh waxa baloodhkan maxkamada sare dhismaha loogu dhisayo ee ay qandaraaska sharciga ah ku heshay shirkadda  Al-xarbi looga daba qaylinayaa, ilaa Wasiir ilaa biyatooni ay uga wada hadlayaan. Dadku  miyay kala fadilan yihiin, dhulka miyay wada lahayn. Waxaan u arkaa arinkaa mid khalad ah oo xaq daro ah. Waxaan leeyahay guriyihii faraha badnaa ee shacabka Hargeysa ee Daaraha dhaadheer laga wada dhisay, maalin qudha cid ka hadashay ma jirto, cid baana badi qaadatay, loogama xuma, lagamana hadal, sidaa aawadeed maaha baloodh muwaadin kale ku guulaystay in laga qayliyo.

Waxa aanu ka war haynaa xitaa Wasiiradda Sacad-muuse inay soo fara galiyeen arrinta dhulkan yar ee maxkamada sare dhismaha loogu dhisayo ee shirkada Al-xarbi tartanka Qandaraaska ku heshay. Xukuumadda waxaan leeyahay dadka ha u xaqsoorto, oo muwaadinka sifo sharci ah wax ku hela ha loo baneeyo dhulkiisa. Haddii Maktabad loo baahan yahayna, halkani waa dhul yare, dhulkii loogu talo galay ee Madaxweynuhu dhagax dhigay oo kan ku soo laba laamaya ha laga dhiso, anaga ayaa ka qayb-galayna oo dadka ayaa ka qayb-galaya, Gaandina Oday Taariikh leh buu ahaaye ha loo bixiyo magaciisa. Muran yar oo aanay Sakaaro ka biirsana laga wacan in la isu daba yaaco”

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here