Gudoomiyaha jaaliyada Somaliland oo kulan la yeeshay Safiirka Taiwan ee dalka Holland + SAWIRRO

0
782

Hargeysa,(HargeisaPress)–Safiirka dalka Taiwan ee u fadhiya dalka Holland ayaa ku maamusay martiqaad qado sharaf ah Gudoomiyaha jaaliyada somaliland ee dalka Holland mudane Mahmoud Abdalla Digaale,
Martiqaadka safiirka Taiwan ayaa ka turjumayaa heerka dalka Taiwan ay u soo dhaweeyeen xidhiidhka Somaliland dal ahaan iyo jaaliyad ahaan.

Martiqaadkaas oo ahaa mid heer sare ah oo ay safaaradda Taiwan ee dalka Holland soo diyaarisay ayaa muujinaya xidhiidhka qotada dheer ee labada dal ka dhaxeeya oo maantana gaadhsiisan heer diplomasiyadeed oo aad iyo aad usareeya.

Uguu horayn waxaa madashaas meeqaanka sare leh ka hadlay safiirka Taiwan ee wadanka Netherlands Mrs. Hsin Hsin Chen oo si weyn u soo dhaweeyey xidhiidhka iyo wada shaqeynta ay la soo sameeyeen jaaliyada Somaliland ee dalka Holland.
Sidoo kale safiirka Taiwan wuxuu dhankiisa Sharaxaad dheer ka bixiyey muhiimada xidhiidhka labada wadan iyo in uu dhinac kasta u soo hoyn doono guul iyo horumar.

Dhinaca kale Gudoomiyaha jaaliyada Somaliland ee wadanka Netherlands Mahmoud Abdalla Digaale ayaa ka sheekeeyey taariikhda soo jireenka ah ee Somaliland ay leedahay.

Safiirka iyo gudoomiyuhu waxay isla qireen in xidhiidhka u dhexeeya somaliland iyo Taiwan in uu yahay mid wax ku ool ah oo waxtar u leh labada dhinacba xaga dhaqaale,siyaasada,waxbarashada,iyo horumarinta kaabeyaasha.
Gudoomiyuhu wuxuu aad ugaga mahadceliyey marti qaadka uu u fidiyey safiirku.

Alla mahad leh

AF-HAYEENKA JALIYADA WADANKA NETHERLANDS.
ABDIKARIM MOHAMUD MOHAMED QOOR-GAAB.

LEAVE A REPLY