Gudoomiyaha Guurtidda oo Ka Hadlay Ciidamo Uu Madaxweynaha Soomaaliya Sheegay Inuu Keenayo Deegaanka Tuka-raq

0
1105
Gudoomiyaha-Golaha-Guurtida-Somaliland-mudane-Saleebaan-Maxamuud-Aadan.jpg

Hargeysa , (HargeisaPress) —Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur) ayaa ka hadlay ciidamo uu madaxweynaha dawlada Faderalka ah ee Soomaaliya uu sheegay in ciidamo nabadeyna uu keenayo deegaanka Tuka-raq ee ay ku dagaalamayaan Somaliland iyo Puntland.

Gudoomiyaha golaha guurtidda mudane Saleebaan waxaa uu xusay in dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq uu wado madaxweynaha Soomaaliya Farmajo.

Sidoo kale Gudoomiye Saleebaan waxaa uu tilmaamay in maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay tahay maamu ka tirsan Soomaaliya oo aanay ka gu’i karin.

Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan waxaa uu sidan ka sheegay mar uu qaybo warbaahinta ka mida kula hadlayay xafiiskiisa.

Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ugu horeyn isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Farmaajo ciidamada uu leeyahay waxaan keenayaa Tukaraq miyuu kiisan wax weerarayaa yidhaaho eedyada jooji, loomana baahna ciidamaan keenaya ee waa hadal nin yidhi, dagaalkana hadii aanu isagu hurineyn bari hore ayuu istaagilahaa, Cabdiweli Gaas, maamulkiisu Soomaaliya ayuu ka mid yahay, kumana dhaco inuu ka goosto, dee ha yidhaaho joojiya dagaalka, xagu ciidamada ka keenayaa, ma ciidanbaanu u baahanahay, golaha aamanka hadii uu yidhaaho waxaan ciidamo geynayaa Tuka-raq waxaa waxaa ay odhan doonaan sidaasi maaha, ee adigiu dagaalka jooji”

HGudoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur) ayaa ka hadlay ciidamo uu madaxweynaha dawlada Faderalka ah ee Soomaaliya uu sheegay in ciidamo nabadeyna uu keenayo deegaanka Tuka-raq ee ay ku dagaalamayaan Somaliland iyo Puntland.oo duuleynaa waa Cabdiwali Gaas iyo ciidamadiisa isaga oo ciidamada Muqdishana dhabarka ka ilaalinayaan, ciidanku amarkuu qabaa, yaanu marna weerar ku qaadin, ciidamada Somalilandna sidaasi ayay ku joogayaan, shalay wuu dhaafay meeshi ay joogay, cabaar ayay sii raaceen markii danbena way ka soo noqdeen, oo halkoodii ayay fadhiyaan dagaalna uma jeedno, Illaaheyna waxaan ka baryayaa in Cabdiweli Gaas tubta toosan tuso, oo dagaalka joojiyaan,

LEAVE A REPLY