Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Dadafeeyey Eedaymo Musuqmaasuq Oo Xisbiyada Mucaaradku U Soo Jeediyeen Gudida Qandaraasyada

0
1124

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Md:Aadan Cabdilaahi Xaaji Xasan(Nugaal) ayaa dadafeeyey eedaymo ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee Dalku ay u soo jeediyeen Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland,kuwaasi oo ku eedeeyey in ay sifo sharci darro ah ay u soo xulleen Shirkada la siiyey Qandaraaska Diiwangalinta Muwaadiniinta reer Somaliland oo dhawaan dalka ka dhici doonta,waxaana ay tilmaameen in shirkada ay qandaraaska siiyeen laga soo magacaabay Madaxtooyada Somaliland.

Md:Aadan Cabdilaahi Xaaji Xasan(Nugaal) waraysi gaara siiyey Wargeyska Himilo ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin eedaymahaasi loo soo jeediyey guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in ay shirkada ay siiyeen ay ka soo xusheen 42-Shirkadood oo tartanka kula jiray,ugu danbayntiina ay noqdeen Shirkada ku guulaysatay in la siiyo qandaraaskaas,Sida oo kale waxaa uu tibaaxay in ay shirkada heshay ay tahay shirkad waddani ah oo dalka laga leeyahay oo ay mulkiilayaal ka yihiin muwaadiniin dhalinyaro ah oo dadaal sameeyey.

“Waxaasi wax soconaya maaha ee 42-kii shirkadood baanu ka dooranay shirkadan,oo ah shirkad waddani ah oo ay leeyihiin Niman dhalinyaro Muwaadiniin reer Somaliland ah oo aqoon iyo khibrad leh”Ayuu yidhi Aadan Cabdilaahi Xaaji Xasan(Nugaal).

Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Md:Aadan Cabdilaahi Xaaji Xassan(Nugaal)oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu Xisbiyada Mucaaradka ah uu ku eedeeyey in ay jecel yihiin in Qandaraaska Diiwaan Galinta Madaniga ah la siiyo Niman Gaalo ah iyo sida oo kale dad Ajaanib ah oo aan dalka u dhalanin.

“Markaa waxay Xisbiyada Mucaaridka ahi Gaalada iyo Ajaanibka wax ula jecel yihiin ee ay ugu ay ugu diidan yihiin inay Muwaadiniinta dalka u dhashay shaqadan qabtaan maaddaama oo ay awood u leeyihiin ma garan karo”Ayuu yidhi Aadan Cabdilaahi Xaaji Xassan(Nugaal).

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY