Gudoomiyaha Gobolka Awdal oo Kulan la qaatay Isu-duwayaasha Laamaha dawladda ee Gobolka awdal

0
1214

Boorama,(HargeisaPress)- Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) ayaa kulan la yeeshay Isu duwayaasha Hay’adaha dawladda ee gobolka Awdal kulankaas ayaa ujeedadiisu aheyd is barasho iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta.

Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro) oo halkaasi ka ahdlay ayaa sheegay in ujeedada kulanku ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa adeegayada iyo waajibaadka qaranka ee loo hayo gobol ahaan , waxaanu intaa raaciyay in hayad kasta iyo wasaarad kasta ay waxqabakeeda keento xafiiska gudoomiyaha gobolka si loo kala ogaado heerarka shaqo ee hay’adaha ka hawl gala gobolka.

Waxaanu gabagbadii ka codsaday in koox ahaan loo wada shaqeeyo maadaama dhamaan hal ujeedo la wada leeyahay.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mida Isu duwayaasha wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda kuwaas oo sheegay in ay la shaqayn doonaan gudoomiyaha cusub ee dhawaan gobolka loo soo magacaabay.

Geesta kale  Gudida  Shirkadaha laydhka Somaliland ayaa shirweyne ay ku yeesheen magaalada Boorama waxa Guddoomiye loogu doortay Idiris Xaamud Jibriil kaas oo hawlaha ururka hagi doona mudada afarta sano ah ee socda, waxaana halkaasi ka hadlay gudoomiyihii hore ee gudidaasi  Maxamed Axmed Liibaan oo sheegay in gudoomiyaha cusub uu la shaqayn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here