Gudida Soo Xulaysay Musharaxa Beesha Xaad Cali oo Ku Dhowaaqay Musharaxa U Matalaya Golaha Wakiilada

0
1051

Gabiley (Hargeisa Press)- Gudi shan iyo toban xubnood ka kooban oo uu Jiif Caaqilka guud ee Beesha reer Xaad cali Yoonis Jibriil uu u saaray soo xulay musharaxa beesha umatali doona musharixiinta golaha Wakiilada gobolka maroodi Jeex ayaa caawa shaaciyay musharaxa ay u soo xuleen.

Gudidan oo shir jaraa,id caawa ku qabtay magaalada Gabiley ayaa shaaciyay in ay ka beel ahaan usoo xuleen in uu golaha Wakiilada usharaxan yahay Mudane Shucayb Maxamed Muuse oo hore Xilal uga soo qabtay dalka islamarkaana uu yahay shakhsiga ay u arkaan ka beel Ahaan in uu ku haboon yahay In uu beesha ku matalo xildhibaanada lasoo dooran doono doorashada soo socota ee golaha wakiilada Somaliland.

Sidoo kale gudidan oo iskugu jiray cuqaal iyo odoyaal iyo Aqoonyahan ayaa faah faahiyay waxyaabaha ay kusoo xusheen xubinta umatalaysa golaha Wakiilada Somaliland ee gobolka Maroodi Jeex.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here