Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Wax Weyn Baa Ka Khaldamay

0
1054

Gudida Kommishanka waa gudi agaasimeed iyo gudi fulineed si wada jir ah doorashooyinka dalka u wada maamula oo wada siman. Qofna qof ka kale caaro ma dheera. Waxay leeyihiin xeer iyo shuruuc iyaga u gaar ah iyo xeer hoosaad ay isku maamulaan. Habka lagu soo magaacabo dhinaca xukuumada hadba jirta ayuu ka raran yahay, laakiin mawduucaas imminka guda geli mayno. Waxa haboon inay si niyad sami ah ay u wada shaqeeyaan, waayo Dooni bay wada saaran yihiin oo hadduu arrinkoodu xumaadana way wada degayaan haddii kalena way wada guuleysanayaan.

Markaas mansabka gudoomiyaha komminshanka iyo ku xugeenkiisuba waa arrin farsamo uun, sababtoo ah wax kasta waa inay todobadoodu ay wada go’aamiyaan. Qurraxda wada shaqayn toodu waxay ku xidhan tahay iyagoo cid kasta ka madax banaan ilayn waa siidhiwalayaashii iyo calan walayaashii doorashooyinka’e. Mar hadday yihiin xaakimadaas kitaabka Ilaahay ku dhaartay, metalayana farsamadii doorashooyinka dimuquraadiyada ku salaysnayd, waxa suuban inay iyagu gudahooda iska dhex doortaan qofkii u noqonayey gudoomiyaha iyo ku xigeenkaba oo aan si gacan ku rimis ah wax loogu yeedhin.

Aan is dul taagee, may ahayn inuu guddomiyuhu warqad u gudbiyo madaxweynaha isagoo ka codsanaya inuu Madaxweynuhu usoo magacaabo gudi kala dhex gasha waxii khilaaf ah ee iyaga ka dhex aloosan Kommishanka ahaan. Bal ka waran garsoorayaasha Maxkamada sare ee Qaranka oo uu guddoomiyahoodu warqad taas la mid ah uu madaxweynaha usoo diro. Miyeynu markaas odhan karnaa way madax banaan yihiin? Waa maya. Ta labaad, haddii ay gudida inteedii kale ay isbedel raadiyeen, oo ay isku shaandhayn dhexdooda sameeyeen illayn waa sunnihii dimuquraadiyada’e, waxay ahayd inaan loo gacan dhaafin oo aanu Madaxweynuhu odhanin guddoomiyaha aan Sodogga u ahay yaan la igu hor rifrifin, illayn qolodan isku dayday is bedelka waxay u badnaayeen xubnihii ay soo magacaabeen xukuumada qayb teeda fulinta iyo qaybta guurtida oo meteleysa labada gole ee wakiilada JSL. Halkaas, waxa innooga muuqan karta inuu markii horeba uu Madaxweynuhu uu gacanta kula jirey sheekadan oo uu doonayey inuu baraq-jebiyo gudoomiye C/Rashiid Rico raac ama uu ka lahaa danno intaas ka sii fog, oo uu donayo inuu shacabka tuso inaanay Kommishanka hadda joogaa wada jaan qaadi karaynin oo wada shaqayn karaynin, sidaas darteedna loo baahan yahay in la kala diro, si markaas uu Madaxweynuhu u helo muddo kordhin haddii Kommishanka hadda jooga la kala daro. Waxa la odhan karaa waa ciyaarihii reer Qaaxo lagu yaqiiney.

Isku soo wada xooriyoo, dhaawac weyn baa innooga dhex muuqda kommishankan xaadirka ah. Haseyeeshee, dalku uma baahna in maanta Kommishanka la kala diro, oo waxaynu ku jiraa waqti adag oo xasaasi ah siyaasad ahaan. Run ahaantiina doorashadii dhoweyd hawl adag bay qabteen Ilaahayna wuu ku guuleeyey. Imminka iyo haatana, waxaan kula talin lahaa inay iska duubnaadan oo is cafiyaan si ay wada shaqayn toodu u noqoto mid midho dhalisa oo tolmoon.

Gudoomiyaha waxaan kula talin lahaa inuu talada dhulka dhigo oo uu dulqaad iyo waayeelnimo muujiyo. Haddiise laga fursan waayo inuu is bedel yimaado illayn imminka gudo-qarsi dhamaaye, Kommishanka waxuu xaq u leeyahay inay isku shaandhayn isku samayn karaan dhexdooda, isna dooran karaan iyadoo aan cidina dibeda wax ugaga yeedhin, waayo waa sunnaha dimuquraadiyada ee iyaguba ay xisbiyada ku kala reebayaan, iyaguna xaq bay u leeyihiin iyagoo xeer hoosaadkooda raacaya. Haddiise, imminka wax loo higaadiyo oo gacan dibeda ahi ay ku dhex jirto Ilaaha weyni Somaliland ha u naxariisto, sababtoo ah dee xorba maaha. Anigu saaxiibkay Madaxweyne Muuse fartiisa waan aqaan, ee Kommishankow ogaada caruur caruur aan lala ciyaarin baa jirtee.

W/Q: Alikubad Politician

LEAVE A REPLY