Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo xilka laga qaaday

0
527

Garoowe,(HargeısaPress)- Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland oo ayaa goor dhaw cod gacan taag ah xilkii uga qaaday guddoomiyihii Baarlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Doobo-Darreed).

Kulanka waxaa soo xaadiray oo ku sugnaa 53 mudane, waxaana shir guddoominyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Abuukaate Cabdicasiis oo mooshinkan markii horeba qabtay.

Xildhibaanno gaaraya 49 mudane ayaa ansixiyay u codeeyay mooshinka xil ka qaadista, halka Afar Xildhibaan ay ka aamustay codbixinta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay dastuurka, isla markaana xarunta baarlamaanka uu soo geliyay ciidamo beeleed.

Magaalada Garoowe gaar ahaan xarunta Baarlamaanka waxaa xalay ka dhacay dagaal dhaxmaray ciidamada Booliiska iyo maleeshiyaad la sheegay in ay ka amarqaataan guddoomiyaha xilka laga qaaday waxaana ku dhintay in la ogyahay Afrax ruux.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here