Guddoomiye Cirro oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweyne Biixi

0
1261

Burco (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxman Maxammed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxaa uu jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biix, kaasi oo ahaa in aanu xusin xuska maalinta qaran ee 18 May.

Guddoomiye Cirro, ayaana wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkaasi ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland, isagoo magaaladda Burco kaga qaybgalay xuska 18 May.

Sidoo kale, guddoomiye xisbiga Waddani, ayaa xukuumadihii kala danbeeyay ee xisbiga Kulmiye ku eedeeyay in ay sabab u yihiin dayaca ka muuqda gurigii Somaliland lagaga dhawaaqay oo Burco ku yaala.

Waxaanu xukuumadaha xisbiga Kulmiye ku eedeeyay in ay jecelyihiin 18 May balse anay masuuliyad iska saarin ilaalinta gurigii ay maalintani ku dhalatay.

Xukuumadda ayuu Cabdiraxman Cirro u soo jeediyay in sanadka danbe xuska maalinta qaran ee 18 May lagu qabto gurigaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here