Guddoomiye Cirro oo ku Baaqay in Shacbiga Somaliland loo Faahfaahiyo Daynta Xaddigeedu Dhan Yahay $80-ka Milyan ee Doollar

0
971
Cabdiraxman Ciro, Muuse Biixi iyo Axmed Siilaanyo PHOTO FILE

Guddoomiyaha WADDANI oo sheegay in Ilaahay hadda fashiliyey lacagtan daynta ah ee ummadda laga qariyey markii ay xilka la kala wareegeen Axmed Silaanyo iyo Muuse Biixi

Hargeysa,(HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu baaqay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in shacbiga reer Somaliland si faahfaahsan loogu soo bandhigo qaabka loo galay lacagta daynta ah ee xaddigeedu dhan yahay $80-ka milyan ee doollar.

Guddoomiye Cirro oo waraysi gaar ah siiyey telefiishanka madaxabannaan ee SAAB TV Maanta

, waxa uu tilmaamay lacagtan daynta ah ee hadda la soo bandhigay ay tahay mid bulshada laga qariyey markii ay xilka la kala wareegeen Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddan Muuse Biixi bishii December ee sannadkii 2017-ka, balse uu Ilaahay (SWT) hadda fashiliyey.

“Waxa saxaafadda ku jirtay in markii u horaysay la soo bandhigay in Xukuumaddii hore ee KULMIYE ay Xukuumaddan cusub ku wareejisay $80 milyan oo doollar oo dayn ah. Shacbigu intaasba way hadal hayeen dayn ayaa lagu wareejiyey Madaxweyne Muuse Biixi, waxayna ahayd dayn la qariyey oo ma garanayo sabab looga qariyey shacbiga, markaa waxa aan is leeyahay Ilaahay ayaa arrintaas khashifay oo way soo baxeen wixii uu shacbigu sheegayey,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Waxaannu intaas ku daray; “Markaa waxa aannu kula talinaynaa Xukuumadda in dayntaas si faahfaahsan loogu sheego shacbiga oo sida uu shacbigu u daymoobay loo sheego, warbixin buuxdana loo soo bandhigo shacbiga, taas ayaan ugu baaqayaa.”

Lacagntan daynta ah waxa shaaciyey Guddoomiyaha Guddida Ilaalinta iyo Dabo-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Ibraahim Mahdi Buubaa, kadib markii ay Guddidoodu kulan la qaateen Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland  Md. Sacad Cali Shire shalay, kaasoo ujeedadiisu ahayd in laga xog-waraysto xisaab-xidhka miisaaniyad-sannadeedkii dowladda ee 2017-ka.

“Waxyaabo badan oo madmadaw ku jiray ayaannu isla iftiiminay oo isla garannay Wasiirka iyo kooxda (team-ka) la socdaba. Inyar haddii aan hoos ugu daadego, waxa ka mid ah in Xukuumadda maanta joogtaa ay dayn dhan $80 milyan oo doollar ay kala wareegtay Xukuumaddii hore oo la inoo sheegay siyaasiyan markii laga wadahadlayey xil-wareejintii in aan wax dayn ah oo lagaga tegay ama ay Xukuumaddii hore ka tagtay aanay jirin, dayntaasna ay la il-daran tahay ama ay bixinteedu culays badan ku hayso Xukuumadda,” ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Md. Sacad Cali Shire oo goob-joog ka ahaa kulan-saxaafadeedka, ayaan si rasmi ah u beenin, una xaqiijinta jiritaanka lacagta daynta ah ee uu sheegay xildhibaanku, taasoo xaddigeedu dhan tahay $80 milyan oo doollar, balse waxa uu Wasiirku si guud uga hadlay qaabka ay dowladdu dayn ku qaatan karto.

Geesta kale, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan oo waraysi siiyey telefiishanka Bulsho TV shalay iyadoo joogta dalka Imaaraadka Carabta, waxay ku dooday in aanay jirin wax dayn ah oo Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ay ku wareejiyey Xukuumadda Muuse Biixi, iyadoo si gaar ah u xustay in shaqsi ahaan maadaama ay ahayd Wasiirkii Maaliyadda aanay ogayn wax dayn dowladeed ah oo ay wareejiyeen.

“Anigu waxa aan xilka wareejiyey bishii December 2017, khudbaddii aan halkaas ka jeediyeyna way duuban tahay oo waxa aan ku sheegay in aanay jirin wax dayn ah oo aan wareejinayo, waanan sheegay oo mushaharka shaqaalaha waannu bixinay. Ma jirto kayd lacageed oo dowladda meelo u yaal ee miisaaniyaddeennu waa January ilaa December. Intii dambe ee aan fadhiyey dad ayaa kuula imanaya waraaqo ay ku odhanayaan; ‘Waxa aannu dayn ku leenahay dowladdii hore ama dowladdii ka sii horaysay.’ Wixii dhukanti ahna xafiiska ayuun baad weydiisaa oo aad odhanaysaa; ‘dayntaas miyaa la leeyahay mise lama laha? Anigu dayn lagu leeyahay dowladda waxa aan u aqaanaa daynta ay qaadato Wasaaradda Maaliyaddu ee aan gacan la iskaga dhiibin, balse lagu shubo account-ka (sanduud-xisaabeedka dowladda) oo tulaale ahaan dowladda ayaa lacag dayn ah u baahatay oo waxay tidhi hal milyan ($1,000,000) na siiya oo ku shuba akawnkaas 11 (account 11), akawnkii ayaa lagu shubayaa, waxaanna og Xisaabaha Guud, maamulkii lacagta ayaa og, Guddoomiyaha Baanka ayaana og, taas ayaan dayn u aqaanaa, laakiinse lacag gacan la iskaga dhiibay anigu dayn uma aqaan,” ayey tidhi Samsam Cabdi Aadan.

Waxa kaloo si gaar ah loo weydiiyey inay jirto lacag dhan 80 milyan oo doollar oo ay ku wareejiyey Wasiirkii u horeeyey ee Maaliyadda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxayna ku jawaabtay; “Maya. Ma Jirto, caddaynteedana aniga ayaa diyaar u ah oo soo dhaqaaqaya haddii la igu yidhaahdo kaalay beri.”

Jamhuuriya

LEAVE A REPLY