Guddoomiye Cabdi Xaashi: “Somaliland Uma Arko Inay Tahay Badeecad La Iibiyo Ama Lagu Wareejiyo Qof”

0
2106

Muqdisho (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa eedaymo culus u jeediyay Farmaajo iyo Ra’iisal wasaarihiisa, isaga oo ku eedeeyay inaanay dhexdhexaad ka aheyn khilaafka ka dhex taagan siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sidoo kale soo bandhigay Khilaafka ka taagan doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, wixii dhexmaray isaga iyo Ra’iisal wasaare Rooble iyo qorshe uu Farmaajo u dhigay si uu dadka ugu khaldo inuu la heshiiyay.

Cabdi Xaashi oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble markii ay la shireen isaga iyo Mahdi Guuleed, uu ka dalbaday inay ku wareejiyaan arrinta Doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, isaguna aanu u arkin inay arrinta Somaliland tahay badeecad la iibinayo ama la isku wareejinayo ee ay tahay masiir dad iyo dal.

Wuxuu si cad u sheegay Cabdi Xaashi inaanu cidna ka aqbaleynin inay mas’uul uga noqoto siyaasadda, wax aan heshiis lagu ahayna aanay socon doonin, wuxuuna Ra’iisal wasaare Rooble ku tilmaamay qof aan dhexdhexaad ahayn.

Geesta kale, Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa soo bandhigay habdhaqanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo afartii sanno ee uu xilka hayay.

“Anigoo xafiiskayga fadhiya ayuu Farmaajo ii yeedhay, markii aan u tagay waxaa la fadhiyay Mursal, kadib wuxuu nagu yidhi, arrinbaa taariikhda geli doontee waxyar isuga Suuligaan gelayaaye waayahay ayaanu nidhi, kolkii uu nagu soo noqday wuxuu nagu yidhi, safiirka Turkiga ayaan balan kula leeyahay Villa Uganda ee ina keena waynu lugaynaynaaye, halkaas ayaynu warkeena ku kala qaadanaynaaye, markii aanu soo baxnay waxaanu la kulanay shan ilaa lix sawir qaadeyaal farabadan oo na sawirtay, sadexdayadu waanu lugaynay illaa Villa Hargeysa, markii aanu soo noqonay ayaa weydiiyay maxay ahaayeen dadkan kamarooyinka waa weyn wata, wuxuu iigu jawaabay..waa sawir qaadayaashii Madaxtooyada, ma jirin wax aanu ku heshiinay iyo wax aanu isla garanay, habeenkii waxaan telefiishanka ka arkay sadexdayadii oo wada socda oo la leeyahay Waa ay Heshiiyeen”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo sheegay in Kamarado been ah dalka lagu qaribayo.

Cabdi Xaashi, ayaa sidoo kale beeniyay in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka codsaday hal maalin oo uu talo ku soo celiyo, markii uu ka dalbaday inuu ku soo wareejiyo arrinta doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, balse uu sheegay inuu la noqonayo go’aanka, kadibna uu arkay waxla mid ah sidii uu Farmaajo ku sameeyay in sawirro laga qaato oo warkaasi laga faafiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here