Guddoomiye Axmed Cabdala oo ugu baaqay shacabka Somaliland in ay adkeeyaan Midnimadooda iyo wada jirkooda.

0
739

Hargeysa,(HargeisaPress)–Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland oo Axmed Cabdala  ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland in ay adkeeyaan Midnimadooda iyo wada jirkooda.

Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala  ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka Somaliland in ay adkeeyaan Midnimadooda iyo wada jirkooda,isla,markaana ay feejignaadaan wixii ku keenaya kala qaybin iyo wadajirkooda.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland  Axmed Cabdala  oo ku sugan dalka Holand ayaa waxa uu usoo jeediyay shacabka  Somaliland in ay  ilaashadaan Nabedgalyada dalka ka jirta, madaama Wadamada la dariska Somaliland ay ka jiraan xaalado kala duwan.

Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland  Axmed Cabdala ayaa waxa uu sheegay  in loo baahanyahay in la ilaaliyo Hantida Qaranka  leeyahay,

Waaxa  lagu sheegay Warsaxaafadeedka in Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland uu balanqaadayo in Hantida Qaranka ilaalin doono hadii uu talada dalka ku guulaysto,shacabka Somaliland ugu shaqayn doono sinaan iyo cadaalad.isla,markaana wax ka qaban doono baahiyaha kala duwan ee dalka ka jira.

Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland  Axmed Cabdala  ayaa waxa kale oo uu Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in sharciga la hor keeno cidii faafisay Waraaqihii la baahiyay ee ku sahabsanaa Xukuumadii hore ee  Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud  Siilaanyo,taas oo uu ku tilmaamay in ay baalmarsantahay  hanaanka Dawladnimada ee lagu shaqaynayo.

Sidoo kale  Guddoomiye  Axmed Cabdala  ayaa waxa  uu tillmaamay  in aan loo baahnan in arintaas oo kale dib u dhacdo,isla,markaana ay tahay in laga feejignaado arimahaas.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here