Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus

0
2180
Guddoomiyaha xisbiga Waddani
Guddoomiyaha xisbiga Waddani

Helsinki (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa waxaa laga helay xanuunka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad fiican tahay, kadib markii laga helay xannuunka safmarka ah ee Covid-19.

Cirro oo ku sugan dalka Finland, ayaa xusay in tallada dhakhaatiirtu siiyeen uu qaadanayo, islamarkaana toddoba maalmood oo xakameyn ah uu ku jiri doono, haddana caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

Guddoomiye Cirro oo barta uu ku leeyahay Twitter-ka soo dhigay qoraal kooban oo uu kaga hadlayo caafimaadkiisa iyo xannuunka safmareenka ah ee laga helay ayaa waxa uu yidhi, “Mahad oo dhammi ILLAAHEY ayay u sugnaatay, maanta (shalay) waxa la iga helay xannuunka safmareenka ah ee  Covid-19,  baadhis kaddib waxa aan ku jiri doonaa karantiin-iskay ah oo toddoba maalmood ah sida dhakhtarku ku taliyey, Caafimaadkayguna aad buu u fiican yahay”.ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

Ciro ayaa muddooyinkii dambe safaro kala duwan ku marayey wadamada qaarada Yurub, isagoona kulamo kala duwan la qaatay jaaliyadaha reer Somaliland ee dalalkaasi.

Sidoo kale, waxa uu xiligaasi guddoomiyuhu kulamo la qaatay deeq bixiyeyaasha caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka, inkasta oo si dhab ah loo ogeyn in xiligaasi uu hayey cudurku.

Xannuunka safmareenka ah ee Coronavirus ayaa mar labaad ku soo laba kacleeyay dalalka  dalal badanina ay tallaabooyin hor leh qaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here