Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo shacabka Somaliland ka Tacsiyeeyay Marxuum Nuux Axmed Ismaaciil

0
1097
Marxuum Nuux Axmed Ismaaciil

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda waxbarashada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Nuux Axmed Ismaaciil oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo maanta oo taariikhdu tahay 25/12/2016.

Marxuum Nuux Axmed Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa macallimiintii waawaynayd ee reer Somaliland, waxaannu muddo ka badan 50 sanno ahaa macallin ka hawlgala dugsiyada waxbarashada dawladda oo uu ka soo saaray aqoonyahan aad u tiro badan. Guddoomiyuhu waxa ku tilmaamay Marxuumka inuu ahaa nin wanaagsan oo tacab aan la qiyaasi karin u soo galay dadkiisa iyo dalkiisa.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, bahda waxbarashada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Inaan lilaahi waa Inaa ileyhi raajicuun.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

LEAVE A REPLY