Guddoomiyaha Waddani Oo Ka Hadlay Sawir Madaxweynaha Somaliland La Galay Wasiirro Soomaaliya ah

0
924

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa fool-xumo weyn iyo arrin dhiig-bax ku ah qaranka ku tilmaamay in ay marar badan soo noq-noqotay colaad beeleedka degaanka Ceel-Afweyn.

Iyadoo xalinta colaadaasi dhawr jeer ooh ore si weyn looga hawl galay, isla markaana ay degaankaasi ku sugan yihiin qaybaha kala duwan ee ciidamadda Somaliland oo ku kala dhex jira beelaha.

C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa ugu baaqay guddiyadii, ergooyinkii iyo culimadii hore uga hawl galay deminta shaqaaqadaasi in si dhakhso ah loo guddo gallo.

Dhinaca kale  guddoomiyaha xisbiga Waddani waxa uu ka hadlay musawir madaxweynaha Somaliland iyo wasiirro ka tirsan xukuumadiisa oo ku guddo jira gudasha Xajka ay  la soo galeen wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya.

Halkan Hoose Ka Daawo C/raxmaan Cirro Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here