Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Oo Lagu Soo Dhaweeyay Ceerigaabo

0
367

Ceerigaabo (HP): Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Horseed, ayaa maanta soo dhaweyn mug iyo miisaanleh kala kulmay bulshaweynta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Guddoomiye Cabdillaahi Iimaan Dirawal iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa magaalada Ceerigaabo u tagay xadhig ka jarista xafiis uu ururkiisu ku yeelan doono magaaladaasi.


Ururka Horseed ayaa noqonaya ururkii lixda gobol ee waa weyn ee dalka ka furtay xafiisyo.
Soo dhaweyntiisa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshaweynta magaalada Ceerigaabo, sida taageerayaasha ururka, madax dhaqameedka, xildhibaanada golayaasha degaanka iyo wakiillada, waxgaradka iyo haweenka, iyaga oo tuna jidka hareerihiisa.

Qaybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweysay ayuu khudbad dhinacyo badan taabanaysa uga jeediyay meel fagaare ah, isaga oo ugu bushaareeyay in Ceerigaabo ay noqon doonto magaalooyinka qorshaha ugu jira in la horumariyo haddii uu ku guulaysto in uu ka mid noqdo ururada soo baxa.
Guddoomiye Cabdillaahi Iimaan Dirawal, oo qaybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweysay khudbad dhinacyo badan taabanaysa uga jeediyay meel fagaare ah, ayaa ugu bushaareeyay in Ceerigaabo ay noqon doonto magaalooyinka qorshaha ugu jira in la horumariyo haddii uu ku guulaysto in uu ka mid noqdo ururada soo baxa.

Waxaanu yidhi.“Aad iyo aad ayaan idiinku mahadnaqaya, soo dhaweynta sharafta badan ee qiimaha leh ee aad noogu deeqdeen, waxaanan idiin sheegaya in Ceerigaabo tahay meelaha aan ugu jecelahay, waa meelaha aan doonayo in ay ka muuqato Somaliland haddii ILLAAHEY hamigayga igaadhsiiyo.
Ujeedada socdaalkaygu waxa ay ahayd in xafiisyada laga furo magaala madaxyada lixdii gobol ee hore, si warqada ku meelgaadhka ah ee ururku ku tartamayo loo siiyo, marka gobolladii kale oo dhan waanu ka soo furnay ee Ceerigaabo ayaa noogu dambaysay”.

Geesta kale qaar ka mida waxgaradka, madaxdii iyo masuuliyiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa guddoomiye Cabdillaahi ugu bushaareeyay in ay taageero buuxda u hayaan isaga iyo ururkiisaba.
Waxaaney yidhaahdeen“Waxaanu aad u jecelahay in uu mar hoggaanka qabto oo mar uun soo baxo, ku soo dhawow gobolka awoowyaasha.
Waxaanu leenahay ku soo dhawow magaaladaadii, shacabkaagi dadkaagi, intan kaliya maaha ee haddii aanu doraad iyo shalay iyo aanu ogaanlahayn intan way ka sii badan lahayn, reer Ceerigaabo soo dhaweyntaada umay kala hadhin, gacmo furan ayaanu kugu soo dhaweynaynaa, sababto ah buuraha gobolka Sanaag badh ayaad magaceeda sidataa”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY