Guddoomiyaha UCID Oo Sheegay In Aanay Madax Dhaqameedka Meel Uga Banaanayn Siyaasadda

0
690

Balimataan (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in nabad gelyadda ka tisqaaday Somaliland iyo hanaanka dimoqraadiga ah ee ay qaadatay ay ku majeertaan wadamadda Afrika iyo beesha caalamkuba.

Wuxuu xusay  in Somaliland ay ka soo gudubtay xiligii madax dhaqameedku talin lahaa, isla markaana ay samaysatay nidaamka axsaabta badan, goleyaasha wakiiladda iyo degaanka oo wakiillo ka ah bulshadii soo doortay.

Eng. Faysal Cali Waraabe, oo maanta hadal ka jeediyay xaflad xil wareejin ah oo loo sameeyay guddoomiyaha degmadda Bali Mataan ee gobolka Maroodijeex, waxa kaloo uu ka hadlay isbedelka ku yimid noloshii baadiyaha iyo degaankii xoolaha lagu dhaqan jiray.

Halkan ka Daawo hadalka Eng. Faysal Cali Waraabe:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here